Home » Europe » Champions League » “10-Qof Bayern Vs 14-Qof Real “Thomas Muller Oo Si Cajiib Ah Uga Hadlay Ciyaartii Xalay

“10-Qof Bayern Vs 14-Qof Real “Thomas Muller Oo Si Cajiib Ah Uga Hadlay Ciyaartii Xalay

Thomas Muller ayaa daleeceen dusha u saaray garsoore Viktor Kassai iyo caawiyaashiisa kulankii xalay Bayern Munich ay isaga hartay tartanka Champions league kaasoo yiri ciyaarta waxaa ay ahady 10-Qof oo Bayern Munich ah iyo 14-Qof oo Real Madrid ah.

Byern Munich ayaa 2-1 laheyd 90-kii daqiiqo ciyaarta loogu talgalay balse waxaa loo baahday daqiiqado dheeraad si loo kala saaro kooxahan waxaana xusid mudan lugtii hore ee ka dhacay Allianz Arena in 2-1 looga soo adkaaday todobaadkii lasoo dhaafa basle Madrid ayaa ahayd koox ka faaideysata daqiiqadihii lagu daray ciyaarta taasoo fariin u dirtay  Bavarian si ay usoo dhaliyaan goolal kale.

Ciyaarta ayaa ahayd mid suaalo badan liska weydiiyo ka dib goaankii uu qaatay garsooraha kaaoo Arturo Vidal ka saaray ciyaarta halja labo gool kale uu Cristiano Ronaldo dhaliyay ay ahaayeen kuwa garab dhaaf ah balse garsoore Kassai uu ansxiyay goolkaasi.

“maanan laheyn qibrad aad u sareysa basle waxaan u dhaqmeynay xidig ku jira kursiga keydka oo kale sida ay ciyaarta u soctay: Muler ayaa sidaa u sheegay saxaafada.

“hadii aad u fiirsato waxyaabihii ka dhacay ciyaarta, xaqiiqo waxaa ah in ay aheyd mid aan loo adkeysan karin waxana ay ahaayeen 10-qof iyo 14-qof, goolkii 2-2 ay laga dhigtay Real waxaa qaladka lahaa caawiyaha garsooraha, kaasoo dil ku muteesan kara”

“waxaan dareemeynay shucuur aan caadi ahayen markii ciyaarta aanu ka dhignay 2-1 oo aan 11-xidig ku ciyaareynay basle garsooraha ayaa saameen u yeeshay in nagala soo bar bareeyo goolka”

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *