Home » Europe » Champions League » 4-Fiinaal Iyo Labo Iskoor Ay Adag Tahay In La Sameeyo Ayaa Zidane Iyo Kooxdiisa Real Madrid Sugeyso

4-Fiinaal Iyo Labo Iskoor Ay Adag Tahay In La Sameeyo Ayaa Zidane Iyo Kooxdiisa Real Madrid Sugeyso

Kooxda Real Madrid ee uu hogaamiye u yahay tababare Zinedine Zidane waxaa sugaayo 4-fiinaal iyo labo iskoor oo ay adag tahay inay Madrid sameyso.

4-ta fiinaal ee Madrid sugaayo waxay tahay sedex kulan La Ligaha Spain ah Sevilla, Celta iyo Malaga inay dhamaantooda wada guuleestaan iyo 3-da June inay koobka horyaalada Yurub kooxda Juventus ka qaadaan.

Iskoorka ay adag tahay inuu Zidane sameeyo waxaa ugu horeeyo in Real Madrid aysan u dabaal dagin tan iyo sanadii 1958 inay isku qaado koobka horyaalada Yurub iyo La Ligaha Spain (Double Cup).

Iskoorka kale ee aan lagu riyoon karin balse Zidane rabo inuu sameeyo waxay tahay lama haayo naadi difaacatay koobka horyaalada Yurub sida magaca UEFA Champions League loogu bixiyay laga soo bilaabo xili cayaareedkii 1992/93.

Waxaan sugnaa waa 4-ta Fiinaal ee Zidane iyo kooxdiisa Real Madrid hortaalo iyo labada iskoor oo ay adag tahay in la sameeyo inay dhigi karaan….

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

One Response to 4-Fiinaal Iyo Labo Iskoor Ay Adag Tahay In La Sameeyo Ayaa Zidane Iyo Kooxdiisa Real Madrid Sugeyso

  1. hanad yare Reply

    14-May-2017 at 10:18 pm


    real waa lahubaa inay qaadayso horyaalka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *