Home » Europe » Champions League » 7-Farqi Oo U Dhaxeeyo Juventus-tii Fiinalaha 2015 Laga Qaaday Iyo Mida 2017 Finalaha Champion-ka Taagan

7-Farqi Oo U Dhaxeeyo Juventus-tii Fiinalaha 2015 Laga Qaaday Iyo Mida 2017 Finalaha Champion-ka Taagan

Labo sano kadib markii koobka horyaalada Yurub Juventus  3-1 guuldaro ay kala kulmeen naadiga Barcelona koobkana laga qaaday wey soo laabtay kooxda reer Talyaani.

Juve ayaa 3-June 2017 kama dambeesta Champion-ka la cayaari doonto naadiga Real Madrid waxaana lagu cayaari doonaa garoonka National Stadium ee magaalada Cardiff dalka Wales ku yaalo.

Hadaba Juventus-tii 2015 laga qaaday Champion-ka waxay kaga duwan tahay mida 2017 fiinaalaha joogto 7-arimood fadlan hoos kaga bogo:

Juve Aan Guul Dareesanin Ayaa Fiinalaha Sanadkaan Soo Gaartay: 2014/15 Juve waxay soo gaartay Fiinalaha koobka Yurub ayadoo waxay guuldarooyin qaybta guruubyada kala kulantay kooxaha Atletico Madrid (1-0) iyo Olympiacos (1-0), laakiin sanadkaan wax guuldaro ah ma aysan la kulmin 12-ka kulan oo ay cayaartay.

Daafaca Juve Waa Mid Ka Wanaagsan 2-sano Ka Hor: Juve waxay sameesay xili cayaareedkan in 690-daqiiqo oo xariir ah aan gool laga dhalinin, sanadkaan kaliya sedex gool ayaa laga dhaliyay laakiin 2015 markii ay Fiinalaha gaarayeen 7-gool ayaa Buffon laga dhaliyay.

Daafaha Sedexda Gadaale Waa Mid Hirgalay: Tababare Allegr daafaciisa sedexda gadaale waa mid hirgalay oo aan la loodin karo Gianluigi Buffon, BBC (Andrea Barzagli, Leonardo Bonucci iyo Giorgio Chiellini), Dani Alves iyo Alex Sandro shaqo adag oo ka wanaagsan kooxdii 2015 ayay hayaan.

Isbadal Xoogan Oo Lagu Sameeyay Shaxda Juventus: kooxdii Juve ee laga qaaday Champion-ka sanadii 2015 shaxda ay habeenkaas kusoo galeen kaliya waxaa haatan kasoo hareen Buffon, Bonucci iyo Barzagli madaama Chiellini dhaawac ku seegay habeenkaas.

Kooxda waxaa isaga tageen Pogba, Patrice Evra, Tevez, Morata, Andrea Pirlo, Vidal waxaana boosaskooda buuxiyeen xidigo dadaal xoogan wadaan Dybala, Alves, Alex Sandro, Sami Khedira, Miralem Pjanic, Juan Cuadrado, Mario Mandzukic iyo Huguain.

Kooxdan Waa Mid Weerarkeeda Xad Dhaaf Yahay: Kooxdii Juve ee 2015 Fiinalaha timid waxay dhaliyeen 17-gool taasi oo ka dhigan cel celis ahaan inay kulan walbo dhalinayeen 1.3-gool.

Laakiin kooxdan Juve ee sanadkaan fiinalaha taagan waxay dhaliyeen 21-gool taasi oo ka dhigan cel celis ahaan inay kulan walbo dhalinayeen 1.7-gool.

Huguain-Dybala wada shaqeyntooda 49-gool xili cayareedkan welina 4-kulan ayaa u harsan halka Tevez iyo Morata sanadii 2015 ay wada ahaayeen dhaliyeen isla 49-gool xili cayaareedkii oo dhan.

Pjanic Waa Mashiinki Pirlo Badalay: Pirlo inuu ahaa caqli Juve la iskuma heesanin balse waxaa ka tamar badan Pjanic oo daafaca iyo weerarka isku caawinaayo kana fud fudud Pirlo, sidoo kale Juve sanadkaan waxay kaga wanaagsan tahay midii 2015 inay ahayd mid badanaa xidigaheeda khadka dhexe booska baneeyaan lagana faa’iideesan jiray laakiin Pjanic iyo Khedira/Marchisio marna booskooda ma baneeyaan.

Kooxdan Wey Ka Dhalin Yartahay Midii 2015 Koobka Laga Qaaday: kooxdii Juve ee labo sano ka hor Barcelona ka hortagtay cel celis ahaan da’dooda waxay ahayd 30.18-sano, laakiin kooxdan sanadkaan fiinalaha taagan cel celis ahaan da’dooda waa 29.8-sano.

Sidaa darteed kooxdan Juve waa mid ka dhalinyar midii 2015 koobka laga qaaday taasi oo meesha ka saareyso in daal badan kooxdan muujiso fiinalaha Cardiff marka la isugu tago 3-June 2017.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

One Response to 7-Farqi Oo U Dhaxeeyo Juventus-tii Fiinalaha 2015 Laga Qaaday Iyo Mida 2017 Finalaha Champion-ka Taagan

  1. ILkacase RC7 Reply

    16-May-2017 at 1:42 am


    waxaan gul urajaynaya real madrid insha alaah real3:1juve

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *