Home » Africa » 8-Cayaaryahan Oo Caan Ah Kuwaas Oo Kasoo Jeedaan Qoys Taajir Ama Hodan Ah (+Sawiro)

8-Cayaaryahan Oo Caan Ah Kuwaas Oo Kasoo Jeedaan Qoys Taajir Ama Hodan Ah (+Sawiro)

Inta badan aragtida guud ee laga qabo shaqsiyaadka kubada cagta cayaaraan ama xirfad ka dhigtaan waxay tahay inay nolol sabool ah kusoo koreen.

Sidaa darteed xirfad layaasha kubada cagta waxay badankooda u badan yihiin kuwoo kasoo jeedaan qoysas faqiir ah ama aan wax heesanin.

Balse waxaan idiin heynaa 8-cayaaryahan oo hodan ah ama kasoo jeedaan qoysas lacag heestaan oo taajir ah sidoo kalena kubada cagta xirfad ka dhigteen.

Fadlan hoos kaga bogo cayaartooyda caanka ah ee qoysas taajir ah kasoo jeedaan sidoo kalena kubada cagta xirfad ka dhigteen:

1. Andrea Pirlo: Halyeegan reer Talyaani ee kubada cagta maqaamka sare ka gaaray qoys taajir ah ayuu kasoo jeedaa, aabihiis waa Milyaneer wuxuuna leeyahay warshad sameyso biraha aan daxaleesanin, sidoo kalena Pirlo nolol rafaad iyo silic leh kuma soo korin.

2. Mario Balotelli: Weeraryahanka reer Talyaani qoyskiisa asal ahaan ee dalka Ghana waa faqiir laakiin qoyska soo korsadeen ee magaalada Brescia ku nool waa taajiriin.

3. Hugo Lloris: Goolhayaha xulka France iyo kooxda Tottenham wuxuu kusoo bar baraaray nolol heer sare ah waayo aabihiis bangi ayuu leeyahay halka hooyadiis ay ahayd abuukaate ama qareen.

4. Mario Gotze: Laacibkii xulka Jarmalka u dhaliyay koobii aduunka 2014 ay xulka Argentina kaga qaadeen qoys hodan ah ayuu kasoo jeedaa. aabihiis jaamac ku taalo magaalada Dortmund ayuu macalin ka yahay sidoo kalena jamaacado kale oo caan ah oo gudaha Jarmalka ku yaalo wax ka dhigaa waana nin hanti ku filan heesto.

La Soco Qaybta 2-aad Cayaartooyda Qoysas Hodan Ah Ama Taajir Ah Kasoo Jeedaan Kubada Cagtana Caan Ka Ah……

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *