Home » Horyaalada » “Aad Baan Uga Xumahay Ganaaxa Neymar” Xavi Oo Ka Hadlay Ganaaxa Neymar Uu Ku Seegayo Kulanka El Clasico & Saadaashiisa Ku Aadan Kulanka El Clasico

“Aad Baan Uga Xumahay Ganaaxa Neymar” Xavi Oo Ka Hadlay Ganaaxa Neymar Uu Ku Seegayo Kulanka El Clasico & Saadaashiisa Ku Aadan Kulanka El Clasico

Kulanka ugu saameynta weyn ee horyaalka la liga ahna kulanka ugu xiisaha badan qaarada yurub ee Real Madrid iyo Barcelona waxaa la ciyaari doonaa maalinnimad axada ah ee soo aadan Waxaana ka hadlay waaya aragii hore kooxda Barca qadka dhaxe u maareen jiray ee Xavi kaasoo saadaashiisa sii dhiibtay.

Garoonka¬†Santiago Bernabeu ee ku ciyaarta Real Madrid ayaa marti galin doonta kulanka EL Clasico, wuxuuna xidigan reer Spain uu aaminsanyahy in aysan dhici doonin wax gool la’aan ah kasoo ula jeedo in ay koox walba shabaqeeda lasoo taaban doono oo ay kooxda martida ah ay adkaan doonto.

“Ani ahanteyda waxaan rajeynayaa Barcelona in ay adkaan doonto, waxaana ay kusoo dhamaan doontaa 1-2” Xavi ayaa u sheegay warbaahinta horyaalka La Liga.

“waxaan doonayaa in aan si hor dhac ah ugu hanbalyeeyo Barcelona balse kulanka waa kulan adag aan la yareesan karin”

Los Blancos ayaa haatan seddex dhibcood ka sareysa kooxda ay soo dhaween doonto ee Barcelona taasoo ay xusid mudantahay kulan in uu baaqi usii yahay dad weynahane ay aaminsanyihiin ay Real kulankaasi ay guuleysan doonto.

“Hogaamiyaasha La Liga waa kuwa aan sahlaneen, kulankaasi waa mid xiiso leh. ciyaaryahanda kooxdeyda waa ay ogsoonyihiin muhiimada ciyaarta, waxaana laga daawanayaa dhamaan dunida waana kuwa ku caan baxay baasaska gaagaaban”

Xavi ayaa shaaca ka qaday in uu ka xunyahay ganaaxa Neymar la ganaaxay kaasoo kooxda ka maqan sheegayna kooxda in dibaato ay u tahay ayna u baahantahay xidig booskaasi buuxiya.

“Kulanka El Clasico oo kale waxaa loo baahanyahay gool dhaliye sare”

“Lionel Messi iyo Luis Suarez waxa ay noqon doonaan gool dhaliyaasha hogaamin doona kooxda,halka Madrid ay ku duuleyso¬†Gareth Bale, Cristiano Ronaldo iyo Karim Benzema kuwaasoo looga tasahanayo gool dhalinta Los Blancos.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *