Home » Horyaalada » AC Milan Oo Wali Ka Quusan Baadi Goobka Ay Ugu Jirto Xidig U Ciyaara Kooxda Chelsea

AC Milan Oo Wali Ka Quusan Baadi Goobka Ay Ugu Jirto Xidig U Ciyaara Kooxda Chelsea

AC Milan ayaa xiiso weyn u qabta xidiga qadka dhaxe kooxda Chelsea u maareeya ee Cesc Fabregas kasoo ay doonayaan in ay lasoo wareegaan markii la gaaro suuqa kala iibsiga ciyaartoyda sida ay soo warinayso majalda Dail Mirror.

Cesc ayaa haatan boos joogta ah ka heysan kooxda uu maamulo Conte kaasoo doorbida xidigan qaabeeyaha lugta bidix ku xamaasha ee Matic iyo xoog weynaha xulka France ee Kante waxaana suurta gal ah xidigan in uu goaan ka gaaro mustaqbalkiisa markii uu idlaado xili ciyaareydkan.

HD Cesc Fabregas, Chelsea

Farsameeyaha qadka dhaxe xulka Spain ayaa labo sano qandaraas kula jooga kooxda Blues balse waxaa marar badan soo dalbaday kooxda reer talyaani ee Ac Milan taasoo diyaar ay la tahay qarashaad badan si ay ula wareegto xidigan.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *