Home » Horyaalada » Afar kamid ah xiddigaha Real Madrid oo ku qasbaya Zidane inuusan ciyaarsiin Gareth Bale finalka Champions League – CR7 ayaa kujira!

Afar kamid ah xiddigaha Real Madrid oo ku qasbaya Zidane inuusan ciyaarsiin Gareth Bale finalka Champions League – CR7 ayaa kujira!

Gareth Bale ayaa lagu arkay markale tababarka Real Madrid, waxaana la filayaa inuu taam u noqdo finalka Champions League ee ka dhacaya magaalada Cardiff.

hase ahaatee wararka lagu daabacay wargeyska Mirror ayaa lagu sheegay in xiddigaha Real Madrid oo ay kamid yihiin Cristiano Ronaldo iyo Ramos ay doonayaan in laga xusho laacibka reer Wales ciyaaryahanka khadka dhaxe ee Isco.

Bale ayaa ku dhibtooday inuu taam ahaansho rasmi ah helo xili ciyaareedkaan, iyadoo ciyaartooyda Real Madrid ay aaminsan yihiin in ninka reer Spain ee 25-sano jirka ah uu kaga sameyn badan yahay Bale kulanka Juventus.

Cristiano Ronaldo, kabtanka kooxda Sergio Ramos, Pepe iyo Casemiro ayaa la rumeysan yahay in ay yihiin ciyaartoyda doonaya in Isco uu kusoo bilowdo kulanka Finalka Champions League.

Xiddiga reer Wales ayaa 27 kulan kaliya usaftay kooxdisa xili ciyaareedkaan, mana u ciyaarin kooxda tan iyo kulankii El Clasico ee Barcelona.

Zidane naftiisa ayaan ku qanacsaneyn taam ahaanshaha Bale, waxaana uu ka sheegay shirkiisa jaraa’id in ay qiimeyn doonaan xaaladiisa ilaa waqti dambe.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *