Home » Europe » Europa League » Ajax Vs Man United Oo Finalaha Europa League Usoo Baxeen Iyo Wax Walbo Oo Ad Ugu Baahan Tahay Inaad Kaga Ogaatid

Ajax Vs Man United Oo Finalaha Europa League Usoo Baxeen Iyo Wax Walbo Oo Ad Ugu Baahan Tahay Inaad Kaga Ogaatid

Kooxaha Ajax iyo Man United ayaa si rasmi ah ugu soo baxeen kama dambeesta taratnka UEFA Europa League oo 24-ta bishan May lagu cayaari doono magaalada Stockholm ee dalka Sweden.

Kooxda Ajax waxay reebtay naadiga Lyon oo ay guuldaro 3-1 kala kulmeen kulankii ugu dambeeyay laakiin isku darka labada lug waxa kusoo gudbeen 5-4.

Man United iyadana Semi Finalaha waxay reebtay kooxda Celta Vigo ayadoo kulankii ugu dambeeyay 1-1 la dhaafi weesay balse isku darka labada lug waxay kusoo baxday 2-1.

Fadlan hoos kaga bogo macluumaad walbo oo aad labadan koox kaga baahan tahay tartankan Europa League halganka ay xili cayaareedkan usoo galeen:

Ajax Sidee Fiinalaha Europa League Kusoo Gaartay:

14-kulan, 8-guul, 3-bar bar dhac, 3-guuldaro, 24-gool ayay dhaliyeen, 15-gool ayaa laga dhaliyay

Group G kaalinta 1-aad ayay kaga soo baxeen

Wareega 32-aad: 1-0 isku darka labada lug waxay kaga soo baxeen naadiga Legia Warsaw

Wareega 16-aad: 3-2 isku darka labada lug waxay kaga soo baxeen naadiga FC København

Wareega 8-aad: 4-3 isku darka labada lug waxay kaga soo baxeen naadiga naadiga Schalke (kadib waqtii dheeriga ahaa)

Semi-finals: 5-4 isku darka labada lug waxay kaga soo baxeen naadiga Lyon

Gooldhaliyaha ugu sareeyo tartankaan: Kasper Dolberg (6-gool)

Man United Sidee Fiinalaha Europa League Kusoo Gaartay:

14-kulan, 9-guul, 3-bar bar dhac, 2-guuldaro, 23-gool ayay dhaliyeen, 8-gool ayaa laga dhaliyay

Group A kaalinta 2-aad ayay kaga soo baxeen

Wareega 32-aad: 4-0 isku darka labada lug waxay kaga soo baxeen naadiga St-Étienne

Wareega 16-aad: 2-1 isku darka labada lug waxay kaga soo baxeen naadiga FC Rostov

Wareega 8-aad: 3-2 isku darka labada lug waxay kaga soo baxeen naadiga naadiga Anderlecht

Semi-finals: 2-1 isku darka labada lug waxay kaga soo baxeen naadiga Celta Vigo

Gooldhaliyaha ugu sareeyo tartankaan: Kasper Dolberg iyo Henrikh Mkhitarya (5-gool)

Man United Iyo Ajax Waligood Tartamada Yurub Maku Kulmeen?

Haa wey ku kulmeen waxaana dhex maray kulamada hoos ku xusan xiliyo kala duwan taariikh ahaan:

1976/77 UEFA Cup first round:

Ajax 1-0 Manchester United

Manchester United 2-0 Ajax

2011/12 UEFA Europa League round of 32

Ajax 0-2 Manchester United

Manchester United 1-2 Ajax

Ajax: 2-guul 2-guuldaro 3-gool ayay Man United ka dhaliyeen, 5-gool ayaa laga dhaliyay

Man United: 2-guul 2-guuldaro, 5-gool ayay Ajay ka dhaliyeen, 3-gool ayaa laga dhaliyay

Ajax Iyo Man United Heerarkoodii Ugu Fiicnaa Oo Ay UEFA/EUROPA LEAGUE Ka Gaareen:

Ajay waxay ku guuleesteen tartankaan markii la oran jiray UEFA Cup xili cayaareedkii 1991/92, sidoo kalena Ajax markii 25-aad ayay tartankan ka qayb qaadaneysaa.

Man United heerkooda ugu sareeyo tartankaan waa inay Fiinalaha soo gaareen xili cayaareedkan 2016/17, waxayna United dooneysaa inay noqoto kooxda 5-aad ee Yurub ka dhisan taasi oo ku guuleesatay taariikh ahaan koobabka Yurub guud eee Yurub laga cayaaro ama laga cayaari jiray.

United waxay iska bar bareen doontaa hadii Europa League qaado kooxaha Ajax, Bayern Munich, Chelsea iyo Juventus oo dhamaantooda ku guuleesteen sedexda koob ee Yurub laga cayaari jiray (European Champion Clubs’ Cup, UEFA Cup/UEFA Europa League iyo European Cup Winners’ Cup).

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *