Home » Europe » Alexis Sanchez Ayaa Ah Xiddiga Kaliya Ee Ku Haboon Inuu Xirto Numberka 7-aad Ee Manchester United – Bryan Robson.

Alexis Sanchez Ayaa Ah Xiddiga Kaliya Ee Ku Haboon Inuu Xirto Numberka 7-aad Ee Manchester United – Bryan Robson.

Weeraryahanka Arsenal Alexis Sanchez ayaa ah kan ugu haboon ee buuxin kara booska ay ilaa iyo haatan la’dahay Manchester United ee ah qofka xiran lahaa numberka 7-aad kadib Cristiano Ronaldo sida uu qabo halyeeygii hore kooxda Bryan Robson.

Numberkaan culeyska xambaarsan ayaan mudooyinkaan dambe arkin qof u qalma, waxaana ugu dambeeyay Memphis Depay oo iska siibay kadib laba xili ciyaareed oo mugdi ah kadib.

Robson, George Best, Eric Cantona, David Beckham iyo Cristiano Ronaldo ayaa soo xirtay, waana kan ugu miisaanka culus numberada kale ee kooxda.

anchez haatan wuxuu numberka 7-aad u xirtaa Arsenal inkastoo mustaqbalkiisa ay calaamad su’al weyn saaran tahay madama uusan heshiis cusub saxiixin sidoo kalana 18-bilood kaliya uu ka haray qandaraaskiisa.

Robson ayaa aaminsan in JoseMourinho uu u baahan yahay inuu Sanchez keeno si uu habaarka heysta numberkaas meesha uga saaro.

“Ma garan karo in Sanchez uu u muuqdo mid inyar aan ku xasileynin Arsenal” Ayuu u sheegay Sport Witness.

“Wuxuu numberka 7-aad u xirtaa Arsenal”

“Waxba kama qabo hadii aan arko Sanchez oo yimaada sidoo kalana numberka 7-aad u xirta Man United” Ayuu yiri Robson mar kale.

22-gool ayuu shabaqa dhex dhigay xili ciayareedkaan dhamaan tartamada oo dhan isagoo u saftay 40-kulan, waana mid ka mid ah xidigaha ugu sareeya Gunners.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *