Home » Maxaa Cusub » Alexis Sanchez Oo Doonaya Inuu Qatar Galiyo Naftiisa Xilli Jamaahiirta Gunners Ay Walaac Ka Qabaan Xaaladiisa.

Alexis Sanchez Oo Doonaya Inuu Qatar Galiyo Naftiisa Xilli Jamaahiirta Gunners Ay Walaac Ka Qabaan Xaaladiisa.

Weeraryahanka Arsenal Alexis Sanchez ayaa doonaya inuu halis galiyo naftiisa isla markaana ciyaaro kulanka ay qarankiisa la ciyaari doonaan Argentina kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka Aduunka.

Alexis waxaa dhaawac looga saaray kulankii ay kooxdiisa 3-1 qasaaro ah kala kulantay West Brom iyadoo xaalado kala duwan laga soo sheegayay kadib kulanka, balse xidigaan ayaa qatar la galin doonaa kulanka Argentina isagoo bartiisa Instagram-ka ku cadeeyay inuu ciyaari karo.

Fariinta uu gaarsiiyay Sanchez 4.5 Malyan oo taageerayaashiisa ah waxey u qorneyd sidan: “Kaliya kan guuldareysta waa kan aan waxba isku dayin”

El único fracaso Es No intentarlo… ⚽️??

A post shared by Alexis Sanchez (@alexis_officia1) on

Wenger iyo qaranka Chile ayuu muran dhanka Sanchez ah dhexmaray bishii November ee sanadkii hore kadib markii ay ciyaarsiiyeen isagoo dhaawac ah kulamo ka tirsan isreeb-reebka.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *