Home » Horyaalada » La Liga Spain » Álvaro Arbeloa Oo Sidii Caadada Aheyd Jawaab Ku Haboon Ka Siiyay Gerard Pique Weerarkii Real Madrid.

Álvaro Arbeloa Oo Sidii Caadada Aheyd Jawaab Ku Haboon Ka Siiyay Gerard Pique Weerarkii Real Madrid.

Daafacii hore Real Madrid Álvaro Arbeloa ayaa sharfay halyeeygii hore kooxda Real Madrid Juanito isagoo sidoo kale fariintaas si dadban ugu jawaabay daafaca Barcelona Gerard Pique kaas oo wax ka sheegay qiimaha ay gudbiso Madrid.

Ka hor kulankii ay Madrid 3-0 ku garaacday Deportivo Alaves, waxey sharfeen halyeeygoodii hor Juanito kaas oo April 1992 ku geeriyooday shil gaari oo aad u xun.

Boor weyn ayaa lagu arkay Santiago Bernabeu iyadoo xitaa numberkiisii 7-aad la muujiyay, waxaana lasoo raaciyay oraah ayeyd: “Kuma iloobi doono”

Arbeloa ayaa bartiisa twitter-ka jawaab kusoo siiyay Pique isagoo sharfaya Juanito, wuxuuna yiri: “Hadii qof kasta uu ku weydiiyo waxa ku saabsan qiimaheena, u sheeg in Juanito uu noo ahaa wax walba oo aan dooneynay”

Fariintaan waxey jawaab u aheyd hadalkii Gerard Pique ee ahaa inuusan jecleyn fariinta ay gubdiso Madrid, isagoo si dadban u weeraray maamulka kooxda.

 

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *