Home » Horyaalada » Bundesliga » Alvaro Morata Oo Si Dadban Uga Farxiyay Jamaahiirta Man United – Kaliya Hal Ficil Ayuu Ka Sameeyay Baraha Bulshada.

Alvaro Morata Oo Si Dadban Uga Farxiyay Jamaahiirta Man United – Kaliya Hal Ficil Ayuu Ka Sameeyay Baraha Bulshada.

Manchester United ayaa si aan qarsooneyn u dooneysa weeraryahanka Real Madrid Alvaro Morata kaas oo doonaya inuu ka baxsado xabsiga tababare Zinedine Zidane ee waqtiga badan u diiday inuu kaga soo muuqdo Los Blancos.

Red Devils ayaa dalab dhan 52 Malyan oo Pound ka gudbisay xidigaan reer Spain, balse kooxda ka dhisan caasimadda si adag ayey usoo diideen.

Jose Mourinho ayaa doonaya inuu Alvaro Morata keeno Old Trafford si uu badal ugu noqdo Zlatan Ibrahimovic oo aan la fileyn inuu sii joogo Red Devils.

Manchester United talaabo labaad uma qaadin arinkiisa, balse ficl uu ka sameeyay baraha bulshada ayaa farxad galiyay dhamaan jamaahiirta kuwaas oo ka dhigtay hadal heynta ugu badan ee maanta.

Alvaro Morata wuxuu la saaxiibay inta badan ciyaartoyda Manchester United ee isticmaala barta Instagram-ka sida: Paul Pogba, Juan Mata, Ibrahimovic, David de Gea, Adnan Januzaj, Ander Herrera iyo Wayne Rooney.

View image on Twitter

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *