Home » Horyaalada » Andrea Pirlo Oo Ka Hadlay Falsafada Macalin Antonio Conte

Andrea Pirlo Oo Ka Hadlay Falsafada Macalin Antonio Conte

Waaya aragii hor kooxda Juventus Andrea Pirlo ayaa aman kala dul dhacay macalinka haatan hogaamiya kooxda Chelsea ee Conte sheegayna in uu yahay midka ugu wanaagsan dhamaan caalamka.

37-sano jirkan waayihiisa kubada cagta kusoo qaatay kooxda Juve ayaa kasoo hoos ciyaaray macalin Conte xiligii uu ka arimin jiray kooxda Juventus kuwaasoo ay iskula guuleysteen Seddex Jeer Horyaalka Seria A.

Conte ayaa shax cusub la tagay hiryaalka Premier league xili ciyaareydkan kaasoo haatan Chelsea kula hogaaminaya hogaanka horyaalka 10-dhibcood kaasoo caawa la ciyaaro kooxda Manchester United tartanka FA Cup-ka.

Pirlo ayaa waqti kula qaatay Koxoda Chelsea xerada tawabarka ee Cobham horaantii xili ciyaareydkan kaasoo doonayey in uu wax ka barto macalin Conte wuxuuna aaminsanyahay in uu yahay macalinkan midka ugu wanaagsan dhamaan dunida.

Andrea Pirlo hails 'genius' Antonio Conte as the best coach in the world

“Conte ani ahaantedya, waa midka ugu wanaagsan dhamaan dunida, wuxuu shaqeeyyaa maalin walba, mar walba oo ay ciyaar jirto, kooxda wax walba oo ku saabsan garoonka ciyaaryahanadiisuna waa kuwa wanaagsan” ayuu yiri Pirlo.

“Markii Juve , Waxaan isla soo joognay seddex sano, waxaan ku guuleysanay Horyaalka balse maalin walba tawabarka wuxuu ahaa mid adag,suurta gal in ay haatan sidaa oo kale ay tahay Chelsea” ayuu kusii daray Pirlo.

 

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *