Home » Latin America » Angel Di Maria: Argentina Waxaa Ka Go’an Iney Dagaalanto Ilaa Finalka Koobka Aduunka

Angel Di Maria: Argentina Waxaa Ka Go’an Iney Dagaalanto Ilaa Finalka Koobka Aduunka


305817_heroa

Garabka Bidix ee Kooxda Real Madrid iyo Xulka Argetina Angel Di Maria ayaa sheegay in Xulkiisa ay markaan ka go’an tahay iney meel wanaagsan tiigsadaan marka la gaaro June 2014-ka markaasoo lagu wado inuu dalka Brazil ka bilowdo tartanka Koobka Aduunka.

Xulka Albiceleste lagu neynaaso [Argentina] ayaa noqday xulkii ugu horeeyay ee ka socda South America ee xaqiijiya usoo bixitaanka Koobka Aduunka marka laga reebo martigaliyayaasha Koobka Brazil kuwaas oo aan isku mashquuli doonin iney usoo tartamaan koobkaan madama gurigooda lag qaban doono.

“Goor hore ayaan xaqiijinay inaan soo gaarno Koobka Aduunka, wax dhibaato ahn kama marin inaan soo gaarno Brazil, waxaana jecelnahay inaan sii wadno dadaalkeena” ayuu yiri Di Maria.

“Waan Dagaali doonaa ilaa dhamaadka Koobka Aduunka [Final] waxaana marka hore ku dadaaleynaa inaan groupka kaga soo baxno 9-dhibcood” ayuu yiri Angel Di Maria.

“Kulanka Paraguay aan la ciyaari doono waxaan ciyaari doonaa anagoo wax walwal ah aan qabin isla markaana rajo wanaagsan heysana walwal aan ka qabin inaan weyno Koobka Aduunka”

“Mar walba farxad ayaan dareenaa, mana jirto wax awood dari ah oo na heysta xiligaa”

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close