Balse hadii uu gaaro 25-gool oo kooxda ah oo ay kaga harsan tahay kaliya 2-gool, waxey ka dhigan tahay in Man United ay bixin doonto 10 Malyan oo Euro oo ay faraqa ugu shibi doonto As Monaco sida ay shaacisay Football Leaks bishii January ee sanadkii hore.

21-jirkaan heerka caalami ayaa soo gaaray Old Trafford xagaagii 201 wuxuuna si dhaqso ah ula qabsaday England inkastoo uu 50 Malyan oo Euro ku yimid.

Si kastaba weeraryahankaan lagu tilmaamo Henry-ga cusub ayaa 17-gool u dhaliyay Manchester United xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay waxaana ku jiray goolkii caaqibada lahaa oo uu ka dhaliyay Liverpool taasoo qof walba xasuusisay bandhigii Henry.

Isbuucii hore wuxuu shabaqa dhex dhigay goolkiisii 6-aad ee xagaagan kulankii ay kooxdiisa ugu gudubtay wareega 4-aad ee FA Cupka markaas oo ay garaaceen Reading.

Dhanka kale waxaa jira laba xaaladood oo kale oo ah kama dambeysta heshiiska uu xidigaan reer France ku yimid England waxaana heshiiskiisa uu ku kici karaa 90 Malyan oo Euro.

Midda hore waxey Manchester United bixin doontaa 10 Malyan oo Euro hadii xidigaan reer France uu 25-kulan u saftao qarankiisa, inkastoo haatan uu helay 15-kulan, dhanka kalana lacag intaas la mid ah ayey bixin doontaa United hadii Martial uu kasoo muuqdo sadexda xidig ee ugu dambeysa abaalmarinta Ballon d’Or mudadiisa Old Trafford.