Home » Maxaa Cusub » Antonio Conte Oo Doonaya Inuu Xilli Ciyaareedka Dambe Stamford Bridge Keeno Andrea Pirlo, Qaabkee?

Antonio Conte Oo Doonaya Inuu Xilli Ciyaareedka Dambe Stamford Bridge Keeno Andrea Pirlo, Qaabkee?

Tababaraha kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa doonaya inuu xilli ciyaareeda dambe shaqaalahiisa tababarka kusoo daro halyeeygii hore qaranka Italy si uu badal ugu noqdo Steve Holland oo la filayo inuu dhamaadka xilli ciyaareedkaa isaga tago Stamford Bridge sida uu ka dhawaajiyay xidigii hore Blues Ray Wilkins kaas oo sidoo kale dhawr jeer kasoo shaqeeyay kooxda.

Blues waxey lumin doontaa caawiyaha kooxdooda madama uu shaqo ka helay xulka qaranka England wuxuuna ka hoos shaqeyn doonaa Gareth Southgate.

Pirlo oo wali u ciyaaraya New York City sidoo kalan 37-jir ah ayaa lagu sawiray xerada tababarka Cobham bishii December.

Sidoo kalana wuxuu sawiro la galay John Terry, Cesc Fabregas iyo goolhaye Asmir Begovic, maalmahiisii booqashada ee England.

Pirlo iyo Conte ayaa wax badan ka wada shaqeeyay Italy iyo Juventus, intii u dhaxeysay 2011 ilaa 2014 ayey ku wada guuleysteen = 3-horyaal oo Scudetto ah.

Ray Wilkins wuxuu lasoo shaqeeyay Gianluca Vialli, Carlo Ancelotti iyo Felipe Scolari, wuxuuna aaminsan yahay in Pirlo uu xagaaga dambe imaan doono kursiga keydka Bridge.

“Waan ogahay xaqiiqda ah inuu dhawr jeer ku gaaf-wareegay [Lala xiriirinayay] Stamford Bridge sanadkaan” ayuu yiri Ray oo la hadlayay talkSPORT.

“Waa midka uu jeclaan lahaa Conte, wuxuuna kusoo maamulay Juventus ilaa 34-jirkiisii”

“Waa midka uu doonayo inuu yimaado si uu u badalo Holland”

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *