Home » Horyaalada » Antonio Conte Oo La Hor Dhigay Suaal Ku Aadan N’Golo Kante Muxuu Ku Jawaabay

Antonio Conte Oo La Hor Dhigay Suaal Ku Aadan N’Golo Kante Muxuu Ku Jawaabay

Antonio Conte ayaa la weydiiyay hadii waayahiisii ciyaariyahanimo uu ahaa mid tayo ka wanaagsan N’Golo Kante, wuxuuna qirtay in wiilka reer France uu dhinacyo badan kaga fiican yahay.

Tababaraha talyaaniga ah ee leyliya Juventus wuxuu ahaa mid ku najaxay waayahiisii Juventus markaas oo uu ku guuleystay shan horyaal, Champions League iyo koobab kale, balse markaan waa mid ka mid ah tababarayaasha soo koraya kuwooda ugu fiican.

Dhanka kale N’Golo Kante ayaa wax laga weydiiyay kaas oo sanadkii hore kaalin mug leh ka qaatay hanashadii lama filaanka aheyd ee ay Leicester City ku hanatay horyaalka balse sanadkaan wuxuu 32 Malyan ku yimid Stamford Bridge.

N’Golo waa mid ka mid ah xidigaha ugu fiican horyaalka Ingiriiska waana mashiinka isku xira Chelsea, Antonio Conte ayaana wax ku saabsan la weydiiyay intii uu ku jiray shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka Manchester United.

“Maya wuu iga xoogan yahay” Ayuu yiri Conte mar la weydiiyay hadii uu isaga ka xooganaa xidigaan, “Waxey ila taha inaan kaga wanaagsanahay dhanka gool dhalinta balse, dhinacyada kale ma jiri karaan wax tartan ah, isagaa iga xoogan” Ayuu mar kale yiri Antonio.

“Waan jeclahay wax badan nuuca ciyaartoy ee sida Kante oo kale ah. waxaan ahaa sidaas oo kale. mar walba waan ku faraxsanahay xidiga nuucaa oo kale ah kaas oo leh deeqsinimo weyn iyo awood balaaran oo u kula shaqeyn karo kooxda. waxey ial tahay iney muhiim tahay inaad heysato xidigaan oo kale hadii aad dooneyso inaad guuleysato”

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *