Home » Horyaalada » Arin Ay ku Wada Farxaan Manchester United, Chelsea, Arsenal, Liverpool Oo Neymar Ka Dhawaajiyey

Arin Ay ku Wada Farxaan Manchester United, Chelsea, Arsenal, Liverpool Oo Neymar Ka Dhawaajiyey

weeraryahanka kooxda Barcelona Neymar ayaa shaaca ka qaaday in uu doonayo in uu mar ka ciyaaro horyaalka Premier League inta uusan isaga fadhiisan ciyaarista kubada cagta.

25-sano jirkan ayaa labo La Liga, Labo Copa del Rey iyo hal Champions league kula guuleystay kooxda Barcelona tan iyo markii uu Santos kasoo dhaqaaqay sanadii 2013-ka.

xidigan ayaa kaliya hal goal uga harsanyahay in uu dalka Spain 100-goal ka dhaliyo halka uu Brazil 50-jeer uu shabaqa soo taabtay 75-ka kulan uu ciyaaray tan iyo sanadii 2010.

Neymar of Barcelona in action during his side's Champions League clash with Manchester City at the Etihad Stadium on November 1, 2016

 

“Premier League waa horyaal aan aad ula dahcay, waan jeclahay sida ay u ciyaaraan ciyaaryahanda iyo kooxaha sidoo kale ma jirto qof ogsoon in aan ka ciyaarayo horyaalkaasi balse waan jeclahay”ayuu u sheegay majalada The Sun.

“waan ogsoonahay¬†Manchester United, Chelsea, Arsenal, Liverpool in ay dagaal culus ay ugu jiraan sida ay ila soo saxiixan lahayeen sidoo kale waxaa jooga tawabare yaal heer sare ah sida¬†Mourinho iyo Guardiola” ayuu kusii daray Neymar.

Manchester United ayaa la aaminsanyahay in xidigan reer Brazil mudo dheer baadi goob ugu jirtay ka hor inta uusan ka dhawaajin arinkan.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *