Home » Horyaalada » Arin Culus:Mushaarka CR7 Mid La Mid Ah Loo Balan Qaday.. Barashada Luqada Spain Bilaabay, Marca Oo Sharaxaysa Sida Ay Uga Dhawdahay Real Madrid Lasoo Wareegida Eden Hazard

Arin Culus:Mushaarka CR7 Mid La Mid Ah Loo Balan Qaday.. Barashada Luqada Spain Bilaabay, Marca Oo Sharaxaysa Sida Ay Uga Dhawdahay Real Madrid Lasoo Wareegida Eden Hazard

Jariiradda Marca ayaa u kuur gashay arimaha Eden Hazard La Xiriirinaya Real Madrid, waxena soo heshay xogo badan oo ay baahiyeen maanta kuwaas oo farxad galin kara Jamaahiirta Los Blancos, sidoo kalana naxdin u noqon kara Jamaahiirta Blues.

Sida ay sheegtay jaririadda Wakiilada Eden Hazard ayaa wadahadal guuleysta la yeeshay Real Madrid kaas oo looga hadlayay sidii xidigaan heerka caalami loo keeni lahaa garoonka Santiago Bernabeu.

Sidoo kale Marca waxey shaacisay in Eden oo xilli ciyaareed fiican ku jira xagaagan isla markaana Blues ka caawiyay iney ugu sareyso horyaalka uu kusii socdo wadadii uu ugu biiri lahaa cad-cadka.

Sportsmail ayaa todobaadkii hore ku warantay in xidigaan reer Belgium ay xiiseyneyso Real Madrid, balse Marca waxey sidoo kale shaacisay in Eden uu baranayay luqadda Spanish-ka taasoo sii xoojineysa arimaha la xiriirinaya kooxda difaacaneysa Champions League.

Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa goor hore soo jeediyay inuu suuqa kala iibsiga xagaagan kala soo saxixian doono saxiixyo [Glatico] ah iyadoo liiska la hadal hayay uu ku jiray Hazard waxaana ku wehliyay Mbappe iyo De Gea.

 Dhanka kale warbixinta waxaa lagu sheegay in Eden Hazard dhanka mushaarka lala heer dhigi doono xidigaha ugu sareeya Los Blancos ee Cristiano Ronaldo iyo Gareth Bale inkastoo haatan uu qaato sanadkii 8 Malyan oo Pound oo nadifi ah.
Marca claim 'positive talks' have taken place between Real Madrid and Eden Hazard's agent

Xilli ciyaareedkii hore ayey aheyd markii Madrid ay xiiso usoo bandhigtay balse markaas wuu iska diiday inuu aado caasimadda.

Intaas waxaa sii dheer in tababare Antonio Conte uu aad u xiiseynayo James Rodriguez kaas oo aan boos ka heysan Santiago, waxaana Real Madrid ay diyaar u tahay iney ka qeyb galiso heshiiska uu Hazard ku imaanayo kooxda.

Ugu dambeyntiina Chelsea waxey ku heli doontaa Eden lacago aan caadi aheyn inakstoo ay kaliya 32 Malyan oo Pound kula soo saxiixdeen 2012.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *