Home » Europe » Arsenal Oo doonaysa Xidig Everton Kaga Ciyaara Qadka Dhexe Oo Kamid Ah Xidigaha Xilli Ciyaareedakan Bandhiga fiican Ka Sameenaya Premier League.

Arsenal Oo doonaysa Xidig Everton Kaga Ciyaara Qadka Dhexe Oo Kamid Ah Xidigaha Xilli Ciyaareedakan Bandhiga fiican Ka Sameenaya Premier League.

 

Arsenal ayaa lagu soo warramayaa in ay doonayso xagaaga lasoo dhaqaaqidda Everton qadkeeda dhexe Idrissa Gueye.

 

Inkastoo uusan caddayn mustaqbalkiisa, Wenger ayaa wali xooga saaraya lasoo saxiixashada xidigo uu ku shirtago xilli ciyaareedka soo aadan ayadoo Gueye uu kamidyay liiskaas, sida ay ku warramayso Sunday Mirror.

Idrissa Gueye: Linked with a summer move to Arsenal

27-jirkaan ayaa ahaa mid cajiib ah tan iyo markii uu Toffees ugu  soo dhaqaaqay £9m asagoo kaga yimid Aston Villa xagaagii lasoo dhaafay, markanna Wenger ayaa doonaya in uu xiidigan reer Senegal ku xoojiyo qadka dhexe Arsenal ee aadka u jilacsan.

 

Manchester United tababaraheeda Jose Mourinho ayaa sidoo kale kamid ah tababarayaasha ku qanacsan qaab ciyaareedka xidigan, halka kooxaha Spain iyo Germanay ay sidoo kale daawanayeen Gueye xilli ciyaareedkan.

 

Sikastaba ha ahaatee, Everton ayaan joogin boos ay isaga fasaxaan ciyaaryahanadooda wanaagsan, sidaa darteed waa inay kafiirsadaan dalab walba oo laga soo gudbiyo xidigahooda muhimmka ah.

 

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *