Home » Europe » Champions League » As Monaco Oo Man City Ka Reebtay Champions league, Leicester City Oo Sharafta England Daafacday Iyo Ateltico Madrid Oo Ugu Danbeyn Usoo Gudubtay Wareega Xiga Tartanka Champions leagua

As Monaco Oo Man City Ka Reebtay Champions league, Leicester City Oo Sharafta England Daafacday Iyo Ateltico Madrid Oo Ugu Danbeyn Usoo Gudubtay Wareega Xiga Tartanka Champions leagua

Kooxda AS Monaco ayaa u soo baxday sideed dhamaadka Champions Leaque-ga kadib markii ay ka yaabsatay kooxda Guardiola ee Manchester City waxayna Sky Blues iska lumisay fursadii ay gacanta sare ugu lahayd kulankii lugtii hore ee Etihad Stadium. Monaco ayaa Man City ku garaacday 3:1 laakiin waxay ku soo baxday sharciga goolaha martida ah kadib markii ay wadarta labada kulan ku dhamaatay 6:6.

Inkasta oo ay Manchester City goolka rajadeeda sare u soo qaaday heshay isla markaana ay u muuqatay kooxda la filan karayay in ay soo baxayso ayay Monaco heshay goolka saddexaad ee rajadii Sky Blues dhulka jiiday, waxayna tani la micno tahay in kooxda Leicester City oo markii ugu horaysay abid Champions Leaque-ga ka ciyaaraysaa ay difaaci doonto sharafta England!!!.

Dhinaca kale kooxda Atletico Madrid ayaa u soo baxday sideed dhamaadka Champions Leaque-ga inkasta oo ay barbaro gool la’aan ah Calderon kula gashay kooxda Bayer Leverkusen balse kooxda Diego Simeone ayaa shaqadeeda ugu badan soo qabsatay kulankii lugtii kowaad ee Germany lagu soo ciyaaray, waxayna Atletico Madrid ku soo baxday wadar ah 4:2.

Sidaa daraadeed, saddexda kooxood ee ree Spain ee Barcelona, Real Madrid iyo Ateltico Madrid ayaa markale ka soo wada muuqday sideed dhamaadka Champions Leaque-ga. waxaana sidoo kale liiska kooxaha soo baxay ku jira labada kooxood ee ree Germany ee Bayern Munich iyo Borussia Dortmund waxaana dhamaystiray kooxaha Juventus, AS Monaco iyo Leicester City.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Monaco (4-4-2): Subasic; Jemerson, Raggi, Sidibe, Mendy; Fabinho, Silva, Lemar, Bakayoko; Germain, Mbappe.

Kaydka:Monaco (4-4-2): Subasic; Jemerson, Raggi, Sidibe, Mendy; Fabinho, Silva, Lemar, Bakayoko; Germain, Mbappe.

Man City (4-1-4-1): Caballero; Sagna, Stones, Kolarov, Clichy; Fernandinho; Sterling, Silva, De Bruyne, Sane; Aguero.

Kaydka:Bravo, Zabaleta, Navas, Delph, Otamendi, Toure, Iheanacho.

Kadib kulan waali ahaa oo ay labada kooxdooda ee Manchester City iyo AS Monaco ku soo ciyaareen Etihad Stadium waxay markale isku haleeleen Stade Louis II iyada oo Manchester City kulankan iskeentay iyada oo 5:3 hogaanka ku haysay natiijadi kulankii lugtii hore. Laakiin waxaa la filayay in Monaco ay markale samayn doonto dadaal cajiib ah si ay ugu soo baxdo sideed dhamaadka Man City.

Kooxda Guardiola uu hogaamiyo ayaa qaybtii hore ee kulankan si buuxda ugu fashilantay, waxaana kooxda garoonka wax kasta ka samaysay ahayd AS Monaco oo xaalad adag ku abuurtay kooxda uu Guardiola kulankan u soo xushay. Tatiko ahaan ayay Monaco ahayd kooxda gacanta sare lahayd iyada oo Sky Blues u adkaysan kari wayday shaxda 4-4-2 ee ay Monaco markale garoonka la soo gashay inkasta oo Falcao uu kulankan dhawac ku seegay.

DAQIIQADII 8-aa Da’yarka lagu naanayso ‘The New Thiery Henry’ ee  Kylian Mbappe ayaan Manchester City u ogolaan waqti ay ku fikiraan wuxuuna markiiba dhaliyay goolka furitaanka ee ay Monaco rajadeeda sare ugu soo qaaday kadib markii uu caawin ka helay xidiga ay sida layaabka leh isku fahmaan ee Bernardo Silva waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay si deg deg ah Monaco hogaanka ciyaarta ugu qabtay.

DAQIIQADII 15-AAD Kylian Mbappe ayaa markii labaad shabaqa Man City soo taabtay laakiin Sky Blues ayaa markan neef wayni ka soo fuqday markii ay arkeen calanka offsideka oo taagan, wuxuuna markale 18 sano jirkani kubbad u dhamaystiray si sahlan isaga oo aan isdhibin.

DAQIIQADII 29-aad Manchester City ayaa ku wareertay weerarka badnaa ee ay Monaco ku jirtay iyo waliba kubbada ay sida qurux badan u daadihinaysay waxaana kubbado dhinac bidix laga soo dhisay oo uu caawinteeda soo sameeyay Benjamin Mendy goolka labaad ee Monaco ku dhaliyay Fabinho kaas oo City ku ciqaabay in ay ku fashilantay iska saarida kubbada xerada ganaaxa kooxdeeda la soo dhex mariyay, waxayna ciyaartu noqotay 2:0 ay Monaco hogaanka ugu dheeraysatay.

Waxaa laga cabsi qabay in Monaco ay hesho goolkeeda saddexaad laakiin markba waxay sideed dhamaadka Champions Leaque-ga ugu basnayd sharciga goolashii martida ay ugu soo dhalisay Etihad Stadium waxayna wadarta ciyartu noqotay 5:5. Waxaa lays waydiinayay waxa uu Guardiola isbadal samayn doono qaybta danbe ee kulankan waxaana lagu kala nastay 2:0 ay Monaco hogaanka ciyaarta ku haysay iyada oo waliba City hal mar oo kaliya kubbada ku taabtay xerada ganaaxa Monaco, manay samayn hal bartilmaameed oo goolka ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayuu Guardiola garoonka ugu soo laabtay isla ciyaartoydii uu shaxdiisa ku soo bilaabay laakiin waxa uu Kevin De Bruyne dib guu soo celiyay khadka dhexe si uu Fernandinho u caawiyo kaas oo qaladaad badan samaynayay qaybtii hore.

DAQIIQADII 56 AAD Man City ayaa heshay fursadeedii ugu fiicnayd kadib markii De Bruyne uu kubbad cajiib ah u bixiyay Sterling kaas oo goolka Monaco kala soo galay dhinac midig laakiin kubbada uu goolka la hortaagnaa ayuu go’aansaday in uu Aguero u bixiyo laakiin darbada uu Aguero goolka ku dhalin lahaa difaaca Monaco ku guulaystay in uu halista wayn iska saaro.

DAQIIQADII 71-aad  Ugu danbayn Manchester City ayuu nasiibkeedu noqday mid fiican waxayna heshay goolka soo urayay ee albaabka fursadaha badan loogu garaacay waxaana goolka Monaco wadnaha gooyay City u dhaliyay da’yarka Leroy Sane kadib markii goolhayaha Monaco ee Subasic uu ku fashilmay inuu qabsado kubbad aan xooganayn oo uu Sterling lugta bidix ku darbeeyay laakiin kubbada ka soo booday ayuu Sane markiiba dhamaystiray waxayna ciyaartu noqotay 2:1 ay wali Monaco hogaanka ku hayso balse ay City wadarta labada kulan hogaanka ku qabtay.

Xaqiiqdii Guardiola ayaa si fiican u akhristay dhibaatada kooxdiisa ee qaybtii hore ee kulan iyo halka ay Monaco ka socotay laakiin isaga oo aan hal ciyaartoy badalin ama soo galin ayuu ciyaartoydii garoonka ugu jirtay soo siiyay dardaraan uu wax badan ku badalay, laakiin sida la filan karo ciyaarta ayaa la sugayay waxa ay Monaco ku jawaabi doonto.

DAQIIQADII 77-aad Waalida ciyaarta ayaa markale bilaabantay kadib markii ay Monaco la timid goolkeeda saddexaad ee markale Sky Blues shaqada guri u diray waxaana gool qurux badan oo madax ah Monaco udhaliyay Tiémoué Bakayoko kaas oo kubbad uu laaga xorta ah ku soo tuuray Thomas Lemar si fiican City ugu garaacay waxayna ciyaartu noqotay 3:1 ay Monaco ku soo ceshatay hogaankii labada gool!!.

Markale culayska ayaa ku soo wareegay Manchester City wuxuuna Guardiola dhamaadkii ciyaarta kaydka uga yeedhay da’yarka Kelechi Iheanacho si uu safka weerarkiisa ugu xoojiyo wuxuuna ciyaarta ka saaray difaaca Gaël Clichy.

Laakiin dadaal kasta oo ay Man City ku raadisay goolka ay u baahnayd in ay ugu soo baxdo sideed dhamaadka Champions Leaque-ga ayaa noqday mid aan suurtogal noqon waxayna ciyaartu ku dhamaaday 3:1 ay Monaco ku dubatay Man City. Sidaa daraadeed AS Monaco ayaa sideed dhamaadka Champions Leaque-ga ugu soo baxday sharciga goolashii ay ku soo dhalisay Etihad Stadium waxayna wadarta labada kulan ku dhamaatay 6:6.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *