Wargeska ku hadlo afka naadiga Barcelona El Mundo Deportivo ayaa ka dhawaajiyay in kooxda reer Spain qorshaheeda yahay sidii ay kula soo wareegi laheed Jack Wilshare oo khadka dhexe u agaasimo kooxda Arsenal, 21-jirkan ku jiro xiligiisii ugu wanaagsanaa ayay dooneysaa Barcelona inay bisha Janaayo lasoo saxiixato kuna dagaal gasho qaybta dambe ee xili cayaareedkan, inkastoo Barcelona ay heesato xidigo khadka dhexe ku wanaagsan sida Xavi Hernandez, Andreas Iniesta iyo Cesc Fabregas hadana macalin Gerardo Tata Martino ayaa maamulka kooxdiisa ka dalbaday in Jack Wilshare loo keeno si aysan Barcelona u beerdareynin hamiga kaga jiro inay isku qaado La Ligaha iyo koobka horyaalada Yurub xili cayaareedkan.
Wararka ayaa intaas ku daraayo in kooxda Barcelona ay ku dooneyso Wilshare 20-milyan oo pound, dhanka kale Barcelona ayaa soo bandhigtay xidigaha kale oo ay dooneyso bisha Janaayo hadii ay ku guul dareesato saxiixa Wilshare waxayna dooneysaa kooxdan ku cayaarto garoonka Camp Nou Ilkay Gundogan oo ka tirsan Dortmund iyo Koke oo isna u cayaaro naadiga Atletico Madrid, labadan laacib ayaa ka mid ah xidigaha loodu doonista badan yahay qaarada Yurub hadaba Barcelona midkood masoo xero galin doontaa hadii ay Wilshare bisha Janaayo gacanta kusoo dhigi weyso.