Home » Horyaalada » La Liga Spain » Barcelona Oo Diyaar U Ah Iney Lasoo Saxiixato Philippe Coutinho.

Barcelona Oo Diyaar U Ah Iney Lasoo Saxiixato Philippe Coutinho.

Sida ay baahisay Mirror Football – kooxda Barcelona diyaar u ah iney lasoo saxiixato kubad sameeyaha Liverpool iyo qaranka Brazil Philippe Coutinho.

Kooxda ka dhisan gobolka Catalonia ayaa dareemeysa dhibaato baahsan oo dhanka khadka dhexe ah taasoo ku riixeysa iney lasoo saxiixdan Coutinho oo dhawr jeer horay loola xiriiriyay.

Ciyaartoydii hore qaranka Brazil ayaa badi doonaya in xidigaan uu yimaado Camp Nou si uu u muujiyo inuu yahay xirfadlaha khadka dhexe kan ugu fiican waqtigaan la joogo qaaradda yurub.

Barcelona waxey u aragtaa Coutinho inuu yahay badalka Andreas Iniesta kaas oo ugu yaraan 2018 ka tagi kara Barca hadii aan waqti loogu darin heshiiskiisa.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *