Home » Europe » Champions League » Barcelona Oo Shaacisay Kulamada Ay Ciyaari Doonto Fasaxa, Meelaha Ay Ka Dhacayan & Taariikhdaba.

Barcelona Oo Shaacisay Kulamada Ay Ciyaari Doonto Fasaxa, Meelaha Ay Ka Dhacayan & Taariikhdaba.

Barcelona ayaa xaqiijisay kulamada ay ciyaari doonto xiliga fasaxa ka hor bilowga xagaaga soo aadan markaas oo ay safar ku aadeyso dalka mareykanka isla markaana ay kulamo halkaas kusoo ciyaari doonto.

Sida horay loo xaqiijiyay Barcelona waxey magaalada Miami kula kulmi doontaa kooxda Real Madrid, waxaana ka dhici doona halkaas kulankii El-Clasico kii ugu qaalisanaa ee lacago badan lagu daawado, balse Balaugrana waxey sidoo kale shaacisay laba kulan oo waaweyn iney ciyaari doonto.

22-ka July waxey Barcelona la kulmi doontaa Juventus kulan ka dhici doona New York, iyadoo ay xusid mudan tahay in labadaan kooxood ay horaanta April iyo bartamaha April ay is arki doonaan laba kulan oo ka tirsan wareega quarter finalka Champions League.

Sidoo kale afar maalin kadib kulanka Juventsu waxey Washington DC kula kulmi doontaa Manchester United, Jose Mourinho iyo kooxdiisa ayaana ka hortagi dona Barcelona iyo macalinka cusub ee waqtigaas loo magacaabo.

29-ka bishana waxaabadhici doona El-Clasico.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *