Home » Horyaalada » Barcelona Oo Si Fudud Ku Dhaaftay Valencia Iyo Barce Oo Dib Usoo Nooleysay Rajadeedii Hogaanka Horyaalka.

Barcelona Oo Si Fudud Ku Dhaaftay Valencia Iyo Barce Oo Dib Usoo Nooleysay Rajadeedii Hogaanka Horyaalka.

Barcelona ayaa Camp Nou ku soo dhoweysay Valencia, halkaa oo ay labada kooxba ku soo bandhigeen cayaar aad u taya sareysay.

Daqiiqadihii hore ee ee ciyaarta labada kooxoodba waxa ay abuureen fursado goolal noqon kara balse waa ay ku guul dareysteen in ay goolal u badalaan.

Daqiiqadii 29-aad Valencia ayaa gool ku furtay cayaarta, waxaana u dhaliyay faloobkii hore ee Manchester City Mangala, cayaarta ayaana noqotay 0-1.

Wixii intaa ka dambeeyay Barce ayaa weeraro isdaba jog ah ku soo qaadeysay goolka kooxda Valencia, waxaana daqiiqadii 35aad goolka bar-baraha u dhaliyay Suarez wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-1.

Daqiiqadii 45aad xidiga madow ee ree France Mangala ayaa cayaarta laga saaray kadib markii uu qalad ku galay Luis Suarez, waxaana lagu abaal mariyay rigoore waxaana gool ubadalay  Lionel Messi, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-1.

Intaan nasiinada la aadin isla daqiiqadii 45aad markii kubada labaastayba Valencia ayaa goolkeedii bar-baraha latimid, waxaana udhaliyay da’yarkii hore ee Barce Munir El Haddadi, cayaarta ayaana lagu kala nastay bar-baro 2-2 ah.

Kadib markii laisku soo laabtay qeybta dambe ee cayaarta daqiiqadii 53-aad Barce ayaa goolkeedii 3aad ee cayaarta latimid, waxaana mar kale u dhaliyay Lionel Messi, wuxuuna cayaarta ka dhigay 3-2.

Daqiiqadii 88-aad ee dhamaadkii cayaarta waxaa goolkii 4aad ee Barce dhaliyay xidiga ree Portugal ee Andrea Gomes, wuxuuna cayaarta ka dhigay 4-2 oo ay Barce  hogaanka ku sii dheereysatay.

Waxaana sidaa ku soo idlaatay kulan ciyaareedkii u dhexeeyay Barcelona Vs Valencia.

Natiijada cayaarta ayaana noqotay mid 4-2 ay kula galbatay kooxda kubada cakta ee Barcelona.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *