Home » Horyaalada » La Liga Spain » Barcelona Oo Warbixin Kasoo Saartay Wararka Xanta Ah Ee Sheegaya Iney Dalab U Gudbisay Ernesto Valverde

Barcelona Oo Warbixin Kasoo Saartay Wararka Xanta Ah Ee Sheegaya Iney Dalab U Gudbisay Ernesto Valverde

Waxaa isi soo tarayay maalmahii ugu dambeeyay wararka sheegaya in Barcelona ay isku dayeyso iney soo xero galiso Ernesto Valverde si uubadal ugu noqdo tababaraha xilka ka dagi doona dhamaadka xagaagan ee Luis Enrique.

Tan iyo markii uu Enrique ku dhawaaqay inuu ka tagayo Balaugrana, Athletic Club macalinkeeda ayaa ah kan ugu cad-cad ee laga yaabo inuu badalo inkastoo wararka qaar ay sheegayeen iney macquul tahay in loo dhiibo caawiyahiisa Juan Carlos Unzue.

Si kastaba, TV3 ayaa ka dhawaajiyay iney aaminsan yahiin in madaxweynaha Barcelona Josep Maria Bortomeu uu wacay dhigiisa Bilbao Josu Urrutia si uu kagala hadlo arinka Valverde, balse kooxda ayaa warbixin kasoo saartay been abuurka saxaafadda.

“Barcelona waxey si xoogan u inkireysaa iney Athletic weydiisatay wadahadalada ay kula wareegeyso tababare Ernasto Valverde, sida ay warbixin ku qortay galabta TV3” ayey u qorneed warbixinta Balaugrana.

“Si la mid ah kooxda wxey beenineysaa in agaasimaha ciyaaraha Barcelona Robert Fernandez uu la xiriiray Valverde maalmahii ugu dambeeyay si uu kagala hadlo inuu usoo guuro Barcelon.

Ugu dambeyntiina Barcelona waxey xaqiijisay ineysan wax qorshe ah ka laheyn Velvarde, waxaase wax walba lakala ogaan doonaa bilaha soo socda.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *