Home » Europe » Champions League » Barcelona & Real Madrid Oo Seddex Jeer El Clasico Ciyaari Kara Bisha April Haddii Isku Aadka Champions League Uu Ogolaado

Barcelona & Real Madrid Oo Seddex Jeer El Clasico Ciyaari Kara Bisha April Haddii Isku Aadka Champions League Uu Ogolaado

Isku aadka wareega sideed dhamaadka Champions League ayaa waxaa ka soo bixi kara lama filaan xiiso leh. Waxaa isku aadka la qabanayaa maalinta Jimcaha iyadoo aysan jirin wax kala xadidaya kooxaha oo koox walaba ayaa koox kasta ku aadi karta.

Tusaale ahaan, Barcelona iyo Real Madrid ayaa isku soo aadi kara. El Clasico oo la ciyaara wareega 8da ayaa keeni doonta in Barcelona iyo Real Madrid ay iska horyimaadaan seddex jeer bisha April gudaheed madaama ay sidoo kale 23ka bisha April ay Santiago Bernabeu ku ciyaarayaan kulan horyaalka ah.

Haddii Real Madrid iyo Barcelona ay isku soo aadaan wareega sideed dhamaadka, waxa uu jadwalkooda bisha April noqon doonaa sida hoose:

La Liga (Isbuuca 31aad, 8da April)

Málaga – FC Barcelona
Real Madrid – Atlético Madrid

Champions League wareega lugta hore (11 – 12 April)

Clásico

La Liga (Isbuuca 32aad, 15ka April)

FC Barcelona – Real Sociedad
Sporting Gijón – Real Madrid

Champions League wareega 8da Lugta labaad  (18 – 19 April)

Clásico

La Liga (Isbuuca 33aad, 23ka April)

Real Madrid – FC Barcelona

Mana noqon doonto markii ugu horeysay ee ay sidaas dhacdo. Xilli ciyaareedkii 2010-11 ayaa si la mid ah dhacday. Barcelna ayaa 2-0 ku badisay kulankii Bernabeu ee 27kii April, kulankii lugta labaad barbaro 1-1 ayay galeen 3dii bisha May, waxaana ay barbaro 1-1 galeen kulankii La Liga ee Bernabeu ee 16kii April.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *