Home » Latin America » Bastian Schweinsteiger Oo Si Dag Dag Ah Saameen Ugu Yeeshay Kooxdiisa Cusub Ee Chigo Fires.

Bastian Schweinsteiger Oo Si Dag Dag Ah Saameen Ugu Yeeshay Kooxdiisa Cusub Ee Chigo Fires.

 

ku guulaystihii koobka adduunka ee 2014 Bastian Schweinsteiger ayaa gool dhaliyay kulankiisii ugu horreeyay ee u saftay kooxdiisa cusub Chicago Fire ayadoo kooxdiisu ay barabaro 2-2- ah lagasahay Montreal Impact sabtigii.

Schweinsteiger, ayaa noqaday magacii ugu danbeeyay eek u biira horyaallka Major League Soccer (MLS)marka laga hadlo xidigaha sumcadda wayn kuleh kubadda cagta, asagoona sameeyay saameen dag-dag ah kadib markii uu si xoogan u madaxeeyay karoos laga soo qaaday meel goosha u jirta 5-yaardi daqiiqaddii 17-aad.

 

32-jirkaan qadka dhexe ka ciyaara ayaa  u saxiixay Chigago Fire  isbuucii laasoo dhaafay asagoo kaga  yimid kooxda English Premier League ciyaarta ee Manchester United, halkaas uu ku guul darreestay inuu noqdo dooqa macallin Jose Mourinho.

 

Balse kooxda Fire oo ku dhammeesatay kaalamha hoose ee MLS-ka xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, ayaa go’aansatay in uu Schweinstieger uu yahay ciyaaeyahan ku haboon kooxdooda.

 

Schweinsteiger ayaa xubin ka ahaa kooxdii jarmalka ee kaga guulaystay Argentina koobkii adduunka ee 2014 lagu qabtay Brazil.

 

Bastian ayaa si dhaqso ah ula qabsaday dhaqan ciyaareedka caasimaddiisa cusub . Habeenkii Khamiista ayuu ka qayb galay Ciyaar katisrsan NBA oo ay ciyaareesay  Chicago Bulls asaga iyo xaaskiisa Ana Ivanovic, ciyaaryahanadii hore lambarka koobaad ee Tenniska.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *