Home » Horyaalada » Bundesliga » Bayer Leverkusen 1-1 Bayern Munich: labo Bayer oo isku ag dhaceen…

Bayer Leverkusen 1-1 Bayern Munich: labo Bayer oo isku ag dhaceen…


Kroos

Bayern Munich ayaa dib ugu soo laabatay hogaanka horyaalka Jarmalka kadib markii ay bar bar dhac la dhaafi weesay naadiga Bayer Leverkusen waxayna ku kala baxeen 1-1. Inkastoo Bayern Munich hadafkeeda ahaa inay guuleesato hadana dhigeeda Leverkusen ayaa majaraha u xaabisay balse dhibicda ay kasoo heshay garoonka Bayerena ayaa Munich u suura galiyay inay hogaanka Bundesligaha kala wareegto naadiga Dortmund waxayna Bayern haatan ku heysaa hal dhibic ayadoo leh 20-dibcood. Bayern Munich ayaa kulankan xiisaha badan gool ku daah furtay waxaana u dhaliyay Toni Kroos daqiiqadii 30-aad asigoo laad qurxoon shabaqa la helay balse isla daqiiqad kadib Leverkusen gool bar bar dhac ayay heshay waxaana u dhaliyay Sydney Sam waxaan qaybtii hore lagu kala nastay 1-1.

Ribery

qaybtii labadaad labadan naadi waxba iskama qaadin inkastoo Bayern Munich ay gacan seeray ilaa dhamaadkii kulankan hadana macalin Pep Guardiola wuxuu awoodi waayay inuu dhigiisa Sami Hyypia ka badiyo, labadan koox ayaa min dhibic kala qaateen balse faa’iido waxay usoo korodhay Bayern Munich oo hogaanka horyaalka Jarmalka la wareegtay.

kesling

Dhanka kale kulamadii la cayaaray Bundesligaha kooxaha waxay ku kala baxeen natiijooyinkan hoos ku qoran:

Schalke 4-1 Augsburg

Borussia Monchengladbach 2-0 Borussia Dortmund

Stuttgart 1-1 Werder Bremen

Wolfsburg 0-2 Eintracht Braunschweig

Mainz 2-2 Hoffenheim

Bayer Leverkusen 1-1 Bayern Munich


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close