Home » Horyaalada » Beckham : Neymar Wuxuu Diyaar U Yahay Inuu Noqdo Heerkaas

Beckham : Neymar Wuxuu Diyaar U Yahay Inuu Noqdo Heerkaas

Xidigah kooxda Barcelona Neymar waxaa uu diyaar u yahay sida Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo kale inuu noqdo kuwasoo haatan dinida ugu wanaagsan David Beckham ayaa sidaa shaaca ka qaaday.

Xidigii hore kooxaha Manchester United iyo Real Madrid qadka dhaxe ka xamaalan jiray ayaa amaan kala dul dhacay xidiga reer Brazil ee hore ugu soo ciyaari jiray Santos kaasoo haatan waayo wacan ku qaadanayo kooxda gobolka catalan ka timaada ee Barcelona.

Xidigan ayaa Camp Nou usoo dhaqaaqay2013-kii kaasoo ku dhawaad 100-gool u ansaxiyey Barca wuxuuna u muuqdaa mid ku biira xidigaha ugu wanaagsan dunida inkastoo wali ay garoomada ku jiraa Messi oo mucjisada kubada cagta lagu tilmaamo iyo Ronaldo oo wax walba laga filan karo.

qoraal kasoo baxay wadanka Spain ayaa Beckham wuxuu ku yiri “waa ay cadahay xidigan reer Brazil waayihiisa Santos wuxuuu ahaa 17-samo jir kaaso xiligaas xirfadiisa heer sare aheyd, wuxuuna ku jiraa xidigaha haatan kubada cagta xirfadlayaasha ah kuwooda da’yarta wuxuuna noqon doonaa midka ugu wanaagsan dunida”.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *