Home » Maxaa Cusub » Belotti, Sanchez, Lewy & Weeraryahanada Manchester United U Badali Kara Zlatan Ibrahimovic (Liis Dhameystiran).

Belotti, Sanchez, Lewy & Weeraryahanada Manchester United U Badali Kara Zlatan Ibrahimovic (Liis Dhameystiran).

Zlatan Ibrahimovic ayaan la ogeyn inuu xagaaga dambe kusii nagaan doono Manchester United, walina ma jirto saan-saan muuqata oo uu xidiga reer Sweden ku saxiixayo heshiis cusub inkastoo wararka qaar ay sheegayaan inuu xidigaan heerka caalami heshiis la gaaray LA Galaxy oo ka dhisan dalka Mareykanka.

Si kastaba Shabakadda Goal ayaa soo calaameysay weeraryahanada a tahay iney United diirada saarto kuwaas oo buuxin kara booska boqorka Sweden Zlatan Ibrahimovic, waxaana ku jira ciyaartoy dhawr jer horay loola xiriiriyay.

Hamiga Zlatan waa Champions League sida warbaahinta qaar ay qorayaan wuxuuna joogi doonaa Old Trafford hadii kooxda xagaaga dambe kasoo muuqato tartankaas inkastoo ay hadda fursad fiican u heystaan iney soo gaaran madama ay rajo yar ka leeyahiin Afarta sare sidoo kalana ay kusii socdaan wadadii ay ku hanan lahaayeen UEFA Europa League.

GARETH BALE | REAL MADRID|

Inkastoo uu dhawaan kasoo toosay dhaawacyo hadana Bale uma muuqdo inuu qorshaha Los Blancos sii ahana karo hadii ay kooxda sameyso saxiixyo xili ciyaareedkaan, waxaana kooxda lala xiriirinayaa Eden Hazard.

ANDREA BELOTTI | TORINO |

Weeraryahankaan reer talyaani waxaa heshiiskiisa lagu jabin karaa 100 Malyan oo Pound, kooxo badan oo ka baxsan talyaaniga ayaa soo dalbaday. 23-jirkaan waa mid kale oo ku haboon United.

KARIM BENZEMA | REAL MADRID |

Benzema in badan ayuu dhaleeceyn ka helay Jamaahiirta Madrid kuwaas oo aan u riyaaqin qaabka uu ku socdo mudooyinkaan.

Sidoo kale waxaa jira dhawr ciyaartoy oo sidoo kale lala leeyahay waxey ku haboon yahiin iney badalaan Zlatan Ibrahimovic, waxaa ka mid ah weeraryahanka reer Chile Alexis Sanchez, kabtanka Poland Robert Lewandowski kaas oo ka tirsan Bayern Munich iyo:

Antoine Greizman (Atletico Madrid)

Mauro Icardo (Inter Milan)

Romelu Lukaku (Everton)

Mario Mandzukic (Juventus)

Kylian Mbappe (Monaco)

Adigu Xidigeed u doori laheyd Manchester United inuu u badalo Zlatan hadii uu ka tago kooxda?

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *