Home » Europe » Champions League » Brazil Oo Guul Ka Gaartay Paraguay Siina Xajisatay Hogaanka & Italy Oo Dirqi Kaga Badisay Holland.

Brazil Oo Guul Ka Gaartay Paraguay Siina Xajisatay Hogaanka & Italy Oo Dirqi Kaga Badisay Holland.

Xulka Brazil ayaa wali ku dhex jira guulahiisii iyagoo markaan minankooda ku garaacay Paraguay kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka Aduunka taasoo ka saaciday iney dheereysstaan hogaanka kala sareynta wadamada Koonfur Ameerika.

Brazil ka hor kulanka waxey ku hogaamineysay group-ka 7-dhibcood, balse guushii ay ka heshay Paraguay waxey keentay iney 9-dhibcood ku hogaamiso madama Uruguay ay guuldaro kala kulantay Peru, sidoo kalana Argentina ay guuldaro kala kulantay Bolivia, kaliya Colombia ayaa guul gaartay oo booska labaad soo istaagtay.

Philippe Coutinho ayaa daah furay bandhigga goolasha xulka qaranka Brazil daqiiqadii 34-aad ee ciyaarta waxaana xigay gool uu dhaliyay Neymar Junior qeybtii labaad ee ciyaarta daqiiqadii 53-aad, halka Marcelo uu gool qurux badan kusoo qatimay goolasha qarankiisa daqiiqadii 86-aad.

Macalin Tite iyo wiilashiisa waxey wataan wali rikoor fiican madama ay 1-guuldaro kaliya la kulmeen 14-kulan oo ay ciyaareen isreeb-reebka, waxeyna ku hogaaminayaan 33-dhibcood, halka Colombia ay leedahay 24-dhibcood.

Chile iyo Uruguay ayaa isku dhibco ah oo leh min 23-dhibcood, halka Argentina oo xalay si xun loo galay ay leedahay 22-dhibcood oo qura.

Dhanka kale xulka qaranka talyaaniga ayaa guul muhiim ah ka helay qaranka Holland oo aan wali helin macalin rasmi ah kadib markii laga ceyriyay Danny Blind markii ay guuldaro lama filaan ah kala kulmeen Bulgaria, xalayna mar kale ayaa la garaacay iyagoo jooga Amsterdam.

Azzurri waxey rikoor fiican ka wadaa isreeb-reebka 2-1 ayey guul kusoo gaartay kulankii ay booqatay caasimadda, waxeyna goolasheeda kaga mahad celineysaa Leanardo Bonucci iyo Eder oo jawaab ka bixiyay gool uu iska dhaliyay daafaca mayalka adag ee Ac Milan Alessio Ramagnoli.

Gianluigi Donnarumma ayaa sameeyay badbaadooyin aan caadi aheyn qeybahii ugu dambeeyay ciyaarta tasoo keeni kartay in Italy guuldaro ay kasoo qaadato Holland.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *