Home » Horyaalada » Carrick Oo Amaan Ugu Qabeeyay Tababarihiisa Mourinho, Cadeeyayna Isbadalka Uu Macalinka Kooxda Ku Sameeyay.

Carrick Oo Amaan Ugu Qabeeyay Tababarihiisa Mourinho, Cadeeyayna Isbadalka Uu Macalinka Kooxda Ku Sameeyay.

Michael carrick ayaa amaan ugu qabeeyay tababarihiisa kooxda ee Jose Mourinho kahor kulanka rubuc dhamaadka FA cup-ka kooxdiisu ay ku wajaheyso kooxda Chelsea.

Carrick ayaa aaminsan in tababare Mourinho uu isbadal weyn ku sameeyay qaab ciyaareedka kooxda kadib markii uu xagaagan ka badalay tababarihii ree Holand ee Louis van Gaa.

Mourinho ayaa illaa iyo haatan 17-kii kulan ee ugu dambeeyay Premier League oo uu cayaaray ayaan weli dhinaciisa dhulka ladhigin, sido kalena waxaa uu kooxda usuura geliyay ku guuleysiga EFL-cup.

Halyeeyga qadka dhexe ee Carrick ayaa ku kalsoon in tababare Mourinho uu guul ka keeni karo kulanka habeen nimada isniinta ay ku wajahayaan dhigooda Chelsea.

Carrick ayaa yiri  “waxaan filayaa in tababaraha hanaanka kooxda uu si wanaagsan u xasiliyay, dabcan asaga ayaana qirtay taa”.

“waa tabatabare guuleed, welina waa uu wadaa guulihiisa, run ahaantii aad baan ugu faraxsanahay ka hoos shaqeyn tiisa, ka hor inta uusan iman kooxda aadbaan uxiisanayay in aan ku dhex arko kooxda iyo waxa uu ka sameyn karo”.

United ayaa booska 6aad ka fadhida kala horeynta Premier League, waxeyna haatan 3 dhibcood oo qura ujirtaa booska 4aad ee Champion-ka loogu soo baxo, ayadoo sidoo kalena gacanta ku heysata kulan ubaaqday oo ay san cayaarin.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *