Home » Maxaa Cusub » Chelsea → Bokayoko, PSG ↓ Wenger & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciayartoyda.

Chelsea → Bokayoko, PSG ↓ Wenger & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciayartoyda.

Weeraryahanka Manchester United Wayne Rooney kaas oo 31-jir ah ayaa jeclaan lahaa inuu ku laabto kooxdii uu kusoo barbaaray ee Everton xagaagan. (Independent). 

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya inuu dalab ka helay kooxda Paris Saint Germain isagoo ku tilmaamay been abuur. (BeIN Sport).

Kooxda reer Turkey ee Fenerbahce ayaa xiiseyneysa 28-jirka khadka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal Mesut Ozil kaas oo lala xiriirinayo inuu ka tagayo Gunners. (Telegraph).

Chelsea ayaa dalab 32 Malyan oo Pound ah u dirtay kooxda As Monaco iyadoo ka dooneysa Tiemoue Bakayoko, kaas oo sidoo kale bartilmaameed u ah Manchester United. (Mirror).

Borrusia Dortmund macalinkeeda Thomas Tuchel ayaa shaaca ka qaaday inuusan wax xiiso u qabin inuu qabto xilka tababaranimo ee Arsenal. (Express)

Barcelona ayaa  dooq u heysata iney dib ula soo saxiixato 23-jirka Everton ay leedahay balse amaahda ugu maqan Ac Milan Gerard Deulofeu waxeyna ku heli karaan 10 Malyan oo qura. (Sport).

Daafaca Arsenal Hecror Bellerin oo 22-jir ah ayaa war farxad leh ku tilmaamay iney xiiseyneyso kooxda Barcelona, waana war aysan ku farxin Gunners. (Mundo Deportivo).

Goolhaye Thibaut Courtois oo 24-jir ah ayaa meesha ka saaray wararka la xiriirinaya Real Madrid, wuxuuna u sheegay saxaafadda inuu yahay mid muhiim ka ah Stamford Bridge. (Cadena Ser).

Real Madrid ayaa xiiseyneysa iney lasoo saxiixato daafaca 26-jirka ah ee dhinaca bidix kaga ciyaara Chelsea Marcos Alonso, balse Blues ma dooneyso iney iibiso. (Marca).

Manchester City ayaa tartan adag la gali doonta Real Madrid – iyadoo labada kooxood ay si aad ah u wada xiiseynayan 19-jirka daafaca bidix kaga ciyaara Espanyol Aaron Martin. (The Sun)

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *