Home » Maxaa Cusub » Chelsea Oo Diyaarineysa Qorshe Ay Real Madrid Kaga Hor Istaageyso Iney Kala Wareegto Eden Hazard.

Chelsea Oo Diyaarineysa Qorshe Ay Real Madrid Kaga Hor Istaageyso Iney Kala Wareegto Eden Hazard.

Chelsea ayaa dageysa qorshe macquul ah oo ay Real Madrid kaga hor istaagto saxiixa xidigooda ugu muhiimsan Eden Hazard kaas oo si waali ah loola xiriirinayo kooxda ka dhisan caasimadda Spain.

Kooxda u muuqata iney ku guuleysatay Premier League-ga ayaa diyaarineysa qorshe xoog leh iyadoo sido kalana ka warqabta in Thibaut Courtois uu ku jiro liiska xidigaha ay dooneyso Los Blancos.

Hazard ayaa dhawaan saxiixay heshiis cusub oo uu todobaadkii ku qaadanayo 200,000 kun oo Pound, balse Blues ayaa dooneysa iney heshiiskisia sii hormariso si ay xidigaan ugu sii heyso Stamford Bridge.

26-jirkaan ayaa noqday mid ka mid ah xidigaha ugu waaweyn yurub sidoo kalana waxaa aad loo hadal hayaa inuu ka mid noqon doono saxiixyada Glatic-ada ah ee uu sameyn doono Florentino Perez xagaagan hadii dib loogu doorto madaxtinimada kooxda.

Talaabada ay qaadeyso Blues wali kuma dhaqaaqin inkastoo loo badinayo iney  isku dayi doonto iney heshiis cusub ka saxiixdo si ay ugu yaraan ugu sheegto Madrid inaan la iibin karin Hazard.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *