Home » Horyaalada » Chelsea Oo Iska Gadeeysa Diego Costa Balse Antonio Conte Oo £95m Kusoo Iibsan Doona Labo Xidig O Uu Badasha Booska Costa

Chelsea Oo Iska Gadeeysa Diego Costa Balse Antonio Conte Oo £95m Kusoo Iibsan Doona Labo Xidig O Uu Badasha Booska Costa

Antonio Conte ayaa ay suurta galtahay in uu iska iibiyo Diego Costa markii uu idlaado xili ciyaareydkan Balse Chelsea ayaa £95 million kula soo wareegi doonta Alvaro Morata iyo Romelu Lukaku.

The Sun ayaa sheegaysa Conte uu wada hadal la qaatay madaxa farsamada kooxda Michael Emenalo kaasoo aqbalay in xidigan reer Spain ay iska iibin doonaan markii uu idlaado xili ciyaareydkan, waxaana suurta gal ah in Costa uu u dhaqaaqo kooxda Real Madrid markii la gaaro suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

 

Chelsea ayaa diyaar u ah in ay dib ula so saxiixato Lukaku oo haatan u ciyaara kooxda Everton waxeyna dooneysaa in ay  £60m kusoo xera galiso taasoo la xasuusto in ay £28m isaga iibisay sanadii 2014-ka.Chelsea to sell Diego Costa but Antonio Conte will spend £95m on two replacementsChelsea to sell Diego Costa but Antonio Conte will spend £95m on two replacements

 

Balse Conte ayaa isha ku hayya Morata sida uu kusoo xera galin lahaa markii la gaaro daaqada kala iibsiga ciyaartoyda Chelsea ayaaana dooneysa in ay 24-sano jirkan kusoo xera galiso £35m.

Morata ayaa dib ugu biiray kooxda Real Madrid kaasoo kaga yimid kooxda Juventus sanadii lasoo dhaafay kasoo sideed gool ka dahliyey horyalaka LA Liga xili ciyaareydkan kaasoo sagaal kulan kusoo bilaawday.

Chelsea ayaa aqbali karta in Costa uu u dhaqaaqo horyaalka Chinese Super league markii la gaaro daaqada kala iibsiga bisha January.

Hogaamiyaasha horyaalka Premier league ayaa iska diideen in ay £90m kaga dhaqaaqo kooxda kaasoo ku biiri karay kooxda Tianjin Quanjian balse kooxda horyaalka Chine ka ciyaarta ayaa dib u bilaawi doonta doonista xidigan markii uu xili ciyaareydkan soo idlaado.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *