Home » Maxaa Cusub » Chelsea Oo Ku Kalsoon Saxiixa Bakayoko & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Chelsea Oo Ku Kalsoon Saxiixa Bakayoko & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa qorsheynaya inuu sii joogo hal iyo in ka badan kooxda Arsenal, balse wali waxaa shaki laga muujinayaa mustaqbalka Mesut Ozil. (Daily Mail).

Tababaraha West Brom Tony Pulis ayaa shaaca ka qaaday in Arsene Wenger uu u sheegay kadib kulankii sabtidii ay ku kulmeen Hawthorns inuu sii joogi doono Emirates Stadium. (The Sun).

Go’aanka uu Arsene Wenger ku joogayo Arsenal kuma xirnaan doonto in kooxda ay ku dhameysato afarta ugu sareysa ama ay kasoo qeyb gasho tartanka Champoons League. (Times).

Gunners ayaa lagu soo waramayaa in dalab ka gudbiso Borrusia Dortmund macalinkeeda Thomas Tuchel kaas oo 43-jir ah si uu badal ugu noqdo Arsene Wenger. (Bild)

Chelsea ayaa aaminsan iney fursad xoogan u heysato saxiixa xidiga khadka dhexe kooxda As Monaco iyo qaranka Faransiiska Tiemoue Bakayoko kaas oo 22-jir ah. (Mirror).

Gareth Bale oo 27-jir ah ayaan ku faraxsaneen in laga ciyaarsiiyo garabka bidix ee weerarka, halka Zidane uu isku dayayo inuu booskaas ku tixgeliyo Cristiano Ronaldo. (Diario Gol).

Tottenham Hotspur ayaa bartilmaameed ka dhiganeysa xidiga khadka dhexe kooxda Ac Milan Suso kaas oo 23-jir ah, waxaana xusid mudan inuu xidigaan horay ugu soo ciyaaray Liverpool. (Mirror)

Tababarahii hore talyaaniga Cesare Prandelli kaas oo 59-jir ah ayaa shaaca ka qaaday inuu iska diiday dalab kaga yimid Leicester City kadib qaabkii ay ula dhaqmeen Claudio Renieri. (The Sun).

Barcelona ayaa dooneysa iney Camp Nou isugu keento Philippe Coutinho iyo Marco Verratti kuwaas oo 24-jirro ah si ay khadka dhexe ee Balaugrana ula wareegaan. (Don Balon)

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *