Home » Europe » Chelsea Oo War Faraxad Leh Ka Helaysa Xidig Ay In Badan Xiisaynaysay, Haddaba Waa Kuma?

Chelsea Oo War Faraxad Leh Ka Helaysa Xidig Ay In Badan Xiisaynaysay, Haddaba Waa Kuma?

Roma xidiga qadka dhexe kaga ciyaara ee Radja Nainggolan ayaa shaaca ka qaaday inuu kula jiro wada hallo macquul ka dhigi kara inuu u dhaqaaqo Englan tababaraha Chelsea Antonio Conte.

 

Nianggolan ayaa ahaa mid kamid ah bartilmaameedyada ugu sarreeya ee tababare Conte markii uu noqday tababaraha Chelsea kadib Euro 2016 laakiin hogaamiyayaasha Premier League ayaa ku guul darreestay inay helaan saxiixa xidigan.

Roma midfielder confirms talks with Chelsea manager

Xidigan heerka caalami ee reer Belgium ayaa ugu danbayntii u saxiixay heshiis cusub Roma October kaas oo uu kusii joogayo kooxda caasimadda ilaa 2020 asago 28-jirkani sheegay in uu wada hadallo kula jiro Blues ka hor inta uusan saxiixin heshiiska.

 

“waan daawadaa wax badan,” ayuu u sheegay Sky Sports markii la waydiiyay wax ku saabsan Premier League. “In badan oo aan isku koox nahay ayaa ka ciyaara halkaas. Waa horyaalka ugu fiican dunida.

 

“Waa inaan sameenaa dooqyo nolosha ah. Waxaan qaadanayaa xilli ciyaareed wanaagsan,. Marka ay daaqadda kala iibsugu furanto markale ayaan dib u wada hadli doonnaa. Haa waan la hadlay isaga(Conte). Iyagu xaqiiqdii way I xiisaynayaan wayna i doonayaan. Taasi waxa aan oran karo.”

 

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *