Home » Maxaa Cusub » Chelsea vs Spurs – Arsenal vs Man City – Taariikhda & Saacadda La Ciyaari Doono Kulamada Semi Finalka FA Cup-ka Oo La Shaaciyay.

Chelsea vs Spurs – Arsenal vs Man City – Taariikhda & Saacadda La Ciyaari Doono Kulamada Semi Finalka FA Cup-ka Oo La Shaaciyay.

Inkastoo qof walba uu ku mashquulsan yahay isku aadka koobka horyaalada yurub ee Champions League hadana, xiriirka FA-ga Ingiriiska ayaa soo saaray taariikhda iyo waqtiyada ay dhici doonaa kulamada wareega Semi finalka koobka qadiimiga ah ee FA Cup-ka.

Kooxaha magaalada London aad ugu xifaaltama ee Tottenham Hotspur iyo Chelsea ayaa is wajahi wareegaan iyagoo si awood leh kusoo gaaray waxeyna soo kala reebeen Millwall iyo Manchester United.

CHELSEA vs TOTTENHAM:

Kulanka London Derby wuxuu dhici doonaa maalin Sabti ah – 22-ka April, saacadda Geeska Afrika markey tahay 8:15 Fiidnimo Xiliga Geeska Afrika.

ARSENAL VS MAN CITY:

Pep Guardiola vs Arsene Wenger – kulankooda wuxuu dhici doonaa Axad, 23-ka April, Saacadda geeska Afrika markey tahay 6:00 Maribnimo xiliga Geeska Afrika.

Arsenal waa kooxdii ku guuleysatay tartankaan 2014 iyo 2015, waxeyna wareegii hore soo reebtay kooxda yar ee Lincoln, halka City ay soo quusisay Middlesbrough.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *