“Hadii ay sidaan sii wadaan, laga yaabee iney la tartamaan, sababtoo ah waxey hadda hayaan qorshe wanaagsan” Ayuu yiri Oscar oo la hadlayay Sky Sports.

“Dabcan horyaalka Ingiriiska waa mid ku jira darajo sare sidoo kalaan ciyaartoy waaweyn ay joogaan, balse horyaalka Shiinaha qudhiisa waxaa jooga ciyaartoy fiican,  si weyn ayey u caawiyaan ciyaartoyda cusub waxaana rajeynayaa iney sii wadaan sababtoo aniguba waxaan u imid inaan caawiyo ayaga”

“Inaan usoo wareego halkaan wey ii wacneed, sidoo kalana waxey u wacneed Chelsea iyo Shanghai, aad baan ugu faraxsanahay inaan imaado Chinese Super League”

“Waxey ila tahay in kooxaha China ay lacag badan ku bixinaayn sidii ay ciyaartoyda halkaan u imaan lahaayeen, si uu horyaalkooda u noqdo mid xoogan, waxey iisoo direen dalab anna si aad ah ayaan ugu faraxsanahay inaan halkaan imaado”