Home » Horyaalada » City Oo Iska Diiday In Guul Daradeedii 5aad Oo Xiriira Ay Kasoo Gaarto Dhigeeda Liverpool.

City Oo Iska Diiday In Guul Daradeedii 5aad Oo Xiriira Ay Kasoo Gaarto Dhigeeda Liverpool.

Kulankii adkaa ee udhaxeeyay kooxaha Manchester City iyo Liverpool ayaa ku soo idlaaday bar-baro 1-1 ah.

City ayaa kulan xiisa lahaa ku soo dhoweysay garoonkeeda kooxda kubada cakta ee Liverpool , xili labada kooxoodba ay soo bandhigeen cayaar aad uxiisa badan.

City ayaa ku soo gashay cayaarta shax ah (4-3-3):

Xidigaha cayaarta ka soo muuqday waxey kala ahaayeen:

Caballero 7.5; Fernandinho 6.5, Stones 7.5, Otamendi 6, Clichy 5.5; Toure 5.5 (Sagna, 65); Sterling 7.5, De Bruyne 6.5; Silva 7, Sane 7.5 (Fernando, 83), Aguero 7

Dhanka kale Liverpool ayaa ku soo gashay shax taa lamid ah.

Xidigaha 90-ka daqiiqo cayaarta ka soo muuqday ayaa kala ahaa:

Mignolet 7; Clyne 7, Matip 7.5, Klavan 7, Milner 7.5; Lallana 7, Can 7.5, Wijnaldum 8; Mane 6.5, Firmino 7.5 (Lucas, 89), Coutinho 5.5 (Origi, 73)

City ayaa cayaarta ku biloowday dar dar ayadoo ayka go’neyd kulankan in ay guul gaarto, daqiiqadihii ugu horeeyay cayaarta waxaa ay heshay fursado badan balse waa ay ku guul dareysatay in ay shabaqa Liverpool goolal soo taabsiiso.

Sidoo kale Liverpool ayaa qeebtii hore ee cayaarta ayaduna fursado goolal noqon karay abuurta balse cayaarta ayaa lagu kala nastay bar-baro 0-0 ah.

Balse markii laisku soo laabtay qeybtii dambe ee cayaarta daqiiqadii 51-aad Liverpool ayaa heshay gool keedii furitaanka, James Milner ayaa rigoore kooxdiisa loo dhigay u badalay gool, cayaarta ayaana noqotay 0-1 oo ay Liverpool hogaanka kula wareektay.

Balse inyar kadib daqiiqadii 68-aad City ayaa latimid gool keedii bar-baraha, waxaana u dhaliyay Sergio Aguero, waxeynu ciyaartu noqotay 1-1.

Wixii intaa ka dambeeyay cayaarta ayaa isku badashay weerar iyo weerar celin, labada dhinacna uma aysan suura gelin in goolal kale ay iska dhaliyaan.

Cayaarta ayaana ku soo idlaatay bar-baro 1-1 ah.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *