Xiriirka aduunka ee Fifa ayaa maanta soo saaray sadexa xidig ee u tartami doona abaalmarinta PUSKAS AWARD ee goolka ugu quruxda badan sanadka 2013 laga dhaliyo aduunyada.
Abaalmarintaan ayaa loogu magac daray halyeeygii hore kooxda Real Madrid iyo Xulka Hungary PUSKAS kaas oo Real Madrid ku sugnaa 1950 – 1960-kii.
Zlatan Ibrahimovic ayaa hogaaminaya sadexdaan wiil waxaana soo raaca da’yarka xulka Brazil Neymar JR iyo sidoo kale daafaca reer Argentina Nemanja Matic.
Ibrahimovic ayaa ku tartami doona goolka labaaleyda ah ee uu ka dhaiyay England, Neymar ayaa sidoo kale ku tartami dona goolka aan dhulka taaban ee Japan uu ka dhaliyay Confederation Cupkii sido kale Nemanja Matic ayaa ku tartami doona gool aan dhulka taaban oo uu ka dhaliyay kooxda kooxda F.C. Porto.
DAAWO MUUQAALKA GOOLKA IBRAHIMOVIC:
DAAWO MUUQAALKA GOOLKA NEMANJA MATIC
DAAWO MUUQAALKA GOOLKA NEYMAR
Abaalmarintaan waxaa la bixin doonaa habeenka xaflada Ballond ‘Or ee Zurich lagu qaban doono 13-January-2013.
Sidoo kale si ana u ogaano Codadka Akhristayaasha Shabakadda Hiilkubad, Qeybta hoose ee codeynta codkaaga ka dhiibo.
Waxaa Aqrisay: (437)