Home » Horyaalada » La Liga Spain » Cristiano Ronaldo Iyo Luka Modric Oo La Nasin Doono Kulanka Caawa Ee Copa Del Rey

Cristiano Ronaldo Iyo Luka Modric Oo La Nasin Doono Kulanka Caawa Ee Copa Del Rey

Real Madrid ayaa heysata sadex gool oo faa’iido ah ka hor inta aysan lugta labaad Copa del Rey wajahin Sevilla, taasina waxey Zidane fursad u siineysaa inuu nasiyo qaar ka mid ah ciyaartoydiisa ugu muhiimsan, waxaana la xaqiijiyay in Cristiano Ronaldo iyo Luka Modric aysan kasoo muuqan doonin kulanka caawa ee ka dhici doona Estaion Sanchez Puzjan.

Inkastoo kaliya kulankaan uu yahay kii sadexaad ee kadib fasaxoodii hadana weeraryahanka Portugal ayaa helaya nasiino badan wuxuuna kusii sugnaan doonaa caasimadda isagoo isku diyaarinaya kulanka horyaalka oo ay mar kale soo booqan doonaan Sevilla Axadda.

Dhanka kale Luka Modric ayaa ciyaaray daqiiqad walba oo ka mid ah labadii kulan ee horeeyay waxaana loo doortay inuu nasiino fiican qaato, dhanka kalana Sergio Ramos, Lucas Vazquez iyo Mateo Kovacic ayaa dhamaantoo dhaawacyo kasoo laabtay kuwaas oo lagu daray liiska kulanka caawa.

LIISKA KULANKA CAAWA:

GOOLHAYEYAASHA: Keylor Navas, Casilla, Yáñez.

DAAFACYADA: Carvajal, Ramos, Varane, Nacho, Marcelo, Coentrao, Danilo.

KHADKA DHEXE: Kroos, Casemiro, Kovacic, Asensio, Enzo.

WEERARKA: Benzema, Lucas Vázquez, Mariano, Morata.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *