Tababaraha kooxda Man United David Moyes oo guushii ugu horeesay ku gaaray garoonka Old Trafford kadib markii Man United 2-0 ku suul daartay Crystal Palace ayaa saxaafada la hadlay wuxuuna macalinkan amaan balaaran kala dul dhacay weeraryahankiisa Wayne Rooney oo kulankan wacdaro ka dhigay sidoo kalena dhaliyay mid ka mid goolasha ay United ku badisay, macalin Moyes oo aad u faraxsan wuxuu yiri “waxaan ku faraxsanahay guusha aan gaarnay sidoo kalena waxaan u mahad celinaa dhamaan xidigaha United oo isku xil qaameen sidii aan guushan muhiimka ah u gaari lahaaen” kadib intaas macalin Moyes amaan gaar ah Wayne ayuu usoo jeediyay wuxuuna yiri “ma jiro cayaaryahan Rooney ka dadaal badan waayo asigoo labo todobaad dhaawac ku maqnaa ayuu dadaal dheeraad ah muujiyay runtii Man United marnaba kama maaranto saameynta uu xidigan leeyahay!”
Macalin Moyes ayaa sidoo kale ku booriyay xidigaha kooxdiisa inay isku diyaariyaan kulanka adag oo ay talaadada la cayaari doonaan naadiga Bayer Leverkusen kana tirsan koobka horyaalada Yurub kulankiisa ugu horeeyo wuxuuna yiri “waxaan ku jirnaa qayb aan la dhayilsan karin gaar ahaan Bayer Leverkusen waa naadi awood badan ka mid ah kooxaha ugu tayada wanaagsan Bundesligaha Jarmalka sidaa darteed waa inaan kulankan diyaar garow adag u galnaa madaama aan heesano fursad weyn waayo safar dheer ma gali doono wuxuuna kulankan ka dhici doonaa garoonkeena sidaa darteed guusha nagama dheer balse dadaal ayay rabtaa”