Home » Horyaalada » Derby Madrid: Los Blancos Oo Rikoorka Ateletico Madrid Jabinweysay Xili Ciyaarta Bar Baro Ay Ku Idlaatay

Derby Madrid: Los Blancos Oo Rikoorka Ateletico Madrid Jabinweysay Xili Ciyaarta Bar Baro Ay Ku Idlaatay

Atheltico madrid ayaa daafacatay kulankeedii afaraad in looga adkaan garoonka Los Blancos ay ku ciyaarto ee Benabue kulamada horyaalka la liga.

ciyaarta ayaa ahayd ciyaar aad u adag maadaama kulanka uu yahay Derby Madrid oo ay labada koox ka wada dhisanyiyhiin caasimada Madrid ee dalka Spain.

waxaana ay ku bilaabatay dar dar xoogan ay labada koox ay isku qaadayaan weerar iyo weerar celis ah inkastoo bilaawga ciyaarta xidigaha BBC lisku yiraahdo aysan sameyn wax weerar ah ama aysan ku laheen saameyn kulanka waxaana qeybta hore lagu kal nastay bar b aro goolal la’aan ah.

markii dib lisugu soo laabtay Daqiiqadii 52-aad ee ciyaarta waxaa gool kooxda Real u ansaxiyey xidigab reer Portugal ee daafaca ka ciyaara Pepe goolkaasi oo caawinteeda lahaa xidiga qadka dhaxe kooxda Real u maamula ee Toni Kross.

Isku dayo badan ay sameysay kooxda Atheletico waxaa ay ku guuldrayesatay in ay gaarto shabaqa uu ilaaliyaha ka yahay gool hayye Navas.

Balse markii ay shan daqiiqadi ka harsantahay sagaashanka daqiiqo ee ciyaarta waxaa goolka kooxda Atheletico usoo celiyay xidiga lagu magacaawo Antoine Griezmann kaasoo ay uga dhigantahay in uu gooliisa 9-aad dhaliyay sanada 2017-da waxaana kaliya ka badan Messi (15) iyo Suarez (12) horyaalka la liga markii laga hadlaayo, waxaana ay ciyaarta kusoo idlaatay 1-1 oo ay labada koox isku dhaafiwaayeen.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *