Home » Horyaalada » La Liga Spain » Dhalasho Wacan Fernando Morientes Oo Maanta 41-Sano Jirsaday Iyo Koobabka Uu Ku Guuleestay

Dhalasho Wacan Fernando Morientes Oo Maanta 41-Sano Jirsaday Iyo Koobabka Uu Ku Guuleestay

Weeraryahankii hore ee xulka Spain iyo kooxaha Real Madrid, AS Monaco, Liverpool, Marseille iyo Valencia  Fernando Morientes ayaa maanta 41-sano jirsaday.

Fernando Morientes wuxuu dhashay maanta oo kale 5-April 1976 wuxuuna waayihiisa cayaareed inta badan kusoo qaatay kooxda Real Madrid asigoo koobab kala duwan kula guuleestay.

Fernando Morientes waayihiisa quruxda badnaa ee kooxda Real Madrid waxaa ka mid ah inuu kula guuleestay 11-koob oo ay sedex ka mid ah yihii tartanka koobka horyaalada Yurub (UEFA Champions League).

Fernando Morientes sidoo kale xulka Spain wuxuu u cayaaray 47-kulan asigoo u dhaliyay 27-gool wuxuuna kala qayb qaatay labo koob aduun oo uu ka dhaliyay 5-gool tartamadii 1998 (3-gool) iyo 2002 (2-gool).

Fernando Morientes Iyo Koobabka Uu Ku Guuleestay:

Real Madrid:
  • UEFA Champions League: 1997–98, 1999–2000, 2001–02
  • Intercontinental Cup: 1998, 2002
  • UEFA Super Cup: 2002
  • La Liga: 2000–01, 2002–03
  • Supercopa de España: 1997, 2001, 2003

Liverpool:

  • FA Cup: 2005–06
  • UEFA Super Cup: 2005
Valencia:
  • Copa del Rey: 2007–08
Marseille:
  • Ligue 1: 2009–10
  • Coupe de la Ligue: 2009–10

Fernando Morientes Iyo Abaal Marinada Shaqsi Ahaaneed Uu Ku Guuleestay:

  • UEFA Club Forward of the Year: 2003–04
  • UEFA Champions League Top Scorer: 2003–04
  • Ligue 1 Team of the Year: 2003–04

Guud Ahaan Goolasha Uu Dhaliyay  Fernando Morientes  Inta Uu Kubada Cagta Ku Guda Jiray Her Naadi:

Fernando Morientes guud ahaan kubada cagta inta uu ku guda jiray wuxuu dhaliyay 208-gool asigoo cayaaray 566-kulan.

Dhalasho Wacan Fernando Morientes…..

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *