Home » Europe » Champions League » Diego Maradona, Roberto Carlos Iyo Salgado Oo Ku Weeraray Barcelona Ineysan Kasoo Qeyb Galin Xafladii FIFA

Diego Maradona, Roberto Carlos Iyo Salgado Oo Ku Weeraray Barcelona Ineysan Kasoo Qeyb Galin Xafladii FIFA

Halyeeygii hore qaranka Argentina ayaa ka niyad jabsan in Lionel Messi iyo Barcelona ay doortee ineysan usoo safrin Zurich si ay uga qeyb galaan xafladda abaalmarinada sanadlaha ee FIFA, iyadoo sidoo kale Roberto Carlos iyo Michel Salgado ay qudhooda ka hadleen sida ay muhiimka u aheyd iney yimaadaan xafladda.

Lionel Messi ayaa ka mid ahaa sadexda musharax ee ugu dambeysa abaalmarinta xiddiga ugu wanaagsan dunida sanadka 2016, waxaana la rajeynayay in isaga iyo qaar kamid ah xidigaha Barca sida Neymar, Suarez, Iniesta iyo Gerard Pique ay usoo safraan Switzerland.

Si kastaba kooxda ayaa ku dhawaaqday ka hor xafladda in dhamaan ciyaartoyda kooxda aysan ka qeyb gali doonin xafladda iyagoo ku andacooday iney Arbacada leeyahiin kulan lugta labaad Copa del Rey oo ay Camp Nou kusoo dhaweynayaan Athletic Bilbao.

Cristiano Ronaldo ayaa hantay abaalmarinta markiisii afaraad isagoo ku garaacay Lionel Messi iyo Griezmann balse Diego Maradona ayaa caro ka muujiyay sida uusan uga soo qeyb galin xafladda ninka ay dhalashada wadaagaan.

“Waan ka niyad jabsanahay Messi, inaad ka daawato TV-yada adigoo gurigaaga jooga waxna uma tartami kartid cidna lama tartami kartia, halkaan ayaad ku tartami kartaa” Ayuu Diego u sheegay TVE

“Ma garan karo sababta aysan Barcelona u imaanin xafladaan muhiimka ah. Waxey lahaayeen mudnaanta balse mudnaanta waxey noqotay inuusan soo xaadirin Leo. waxey ila tahay imaanshaha halkaan [Zurich] waxey ka saacidi laheyd iney u dagaalami lahaayeen intey heleen in ka badan”

Dhanka kale halyeeygii hore qaranka Brazil iyo kooxda Real Madrid Roberto Carlos ayaa isna ka carooday go’aanka Barcelona isagoo soo jediyay in Messi ay tahay inuu khushuuca ka barto Cristiano Ronaldo.

“Waan ka xumahay kana niyad jabsanahay in Leo iyo saaxiibadiisa aysan halkaan imaan. waxey heystaan ciyaartoy waaweyn, dhamaanteen ayaana jeclaan lahaa inaan ku aragno xafladda” Ayuu yiri Carlos oo hadlayay ka hor xafladda.

“Waxaan dhamaanteen dooneynay inaan aragno Messi iyo ciyaartoyda kale ee waawen sidoo kale tababaraha Barcelona, waa abaalmarinta FIFA, FIFA waa  hay’adda ugu sareysa kubadda cagta, sidaas darteed waxey aheyd inuu qof walba halkaan yimaad”

“Cristiano wuxuu bartay muhiimadda ay leedahay, waxeyna ila tahay in Leo uu sidoo kale u baahan yahay inuu barto sida ay waajib u tahay inuu halkaan yimaado,  waana inuu badalo”

Intaas waxaa sii dheer in halyeeygii hore Los Blancos iyo xulka Spain Michel Salgado ayaa shaaca ka qaaday inuusan haba yaaratee rajeyneynin in koox kamid ah kuwa ugu weyn ay sidaan u dhaqanto.

“Real Madrid waa kooxda ugu weyn aduunka waqtigaan sidaas darteed waxaa laga yaabaa in taasi ay saameysay go’aanka ciyaartoyda Barcelona. Barcelona wey ku qaldan yahiin in ciyaartoydooda aysan usoo dirin Zurich”

“Waan ogahay in kooxda ay  arimo hore kala dhaxeeyaan FIFA balse Barcelona waxey u baahan tahay iney fahantay in FIFA isabadal lagu sameeyay, tani waa nuuc uusan qof walba ka rajeyneynin iney u dhaqanto mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn dunida”

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *