Home » Horyaalada » France League I » Djibril Sidibe Haduu Ku Biiro Arsenal Ama Barcelona Waxey Noqon Doontaa Halis

Djibril Sidibe Haduu Ku Biiro Arsenal Ama Barcelona Waxey Noqon Doontaa Halis

Djibril Sidibe ayaa sheegay in ay noqon doonto mid halis ah hadii uu u dhaqaaqo Arsenal Ama Barcelona xili ciyaareydka soo aadan balse waxaana xusid mudan qaabka uu kaga soo dhaqaaqi lahaa Monaco in ay tahay mid adag.

 

24-sano jirkan daafac danbe ka ciyaara ayaa jaanis uu kugu biro Emirates heyestay markii uu Lille kasoo dhaqaaqayey xili ciyaareydkii lasoo dhaafay kasoo ugu danbeyn door biday in uu ku biio kooxd reer France ee Monaco.

 

Hadalkan ayaa imanaya ka dib markii ay dalabyo kala duwan ay kaga yimaadeen kooxaha ugu waaween qaarada yurub balse u muuqda mid dhageysanaya dalabyada sheegayna in uu hami wanaagsan ka leeyahy kooxda uu haatan ku suganayahy.

 

“Halista ayaa noqon doonta in aan koox weyn ka tago koox weyn kale aan ku biiro anigoo koox fac weyn dhagaha ka furaysan doona,shaqsiyadeeda waxaan ku jiraa waqti wacan, hadii ay timaado dhanka kooxda wax dhibaato ah kuma qabo” ayuu yiri┬áSidibe.

“ciyaaryahan walba wuxuu door bidaa horyaalka uu ku suganyahay midka kasii wanaagsan. Maanta waa nasiib in aan u ciyaaro Monaco waana koox wanaagsan waxey ka tirsantahay kooxaha ka qeyb galaya Champions league sanadan hami sarane waan ka leenahay” ayuu kusii daray┬áSidibe.

Sidibe ayaa 38-kulan u ciyaaray kooxda Ligue 1 hogaaminaysa ee Monaco oo ay ku jiraan seddex gool iyo shan caawinaad.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *