Home » Europe » Champions League » “Don’t forget PSG” Sergio Ramos Oo Weerar Ku Qaaday Gerard Pique

“Don’t forget PSG” Sergio Ramos Oo Weerar Ku Qaaday Gerard Pique

Kabtanka hogaamiya kooxda Real Madrid Sergio Ramos ayaa weerar ku qaday ciyaarayahanka ay isku xulka yihiin balse koox ahaan marka ay tahay cadaawad weyn ay ka dhaxeyso ee Gerard Pique ka dib goaankii xlaay uu garsooraha qaatay kaasoo soo xasuusiyay go’aankii uu qatay garsoorihii dhax dhaxaadinayey ciyartii ay Barcelona ka adkaatay kooxda PSG.

Seddex leyda Cristiano Ronaldo u dhaliyay ayaa Real Madrid ka saaciday in ay 4-2 kaga adkaato kooxda Bayern habeenkii xalay aha kuwaasoo isku cel celis 6-3 ugu gudbay afar dhamaadka tartanka Champions league.

Balse xidiga reer portugal ayaa labo gool daqiiqadahii dheeriga ahaa u dhaliyay kooxda real kuwasoo u muuqdeen kuwa garab dhaaf ah basle garsooraha  iyo calansidaha ciyaarta ay goaansadeen in ay tahay gool halka Arturo Vidal laga saaray ciyaarta taasoo caqabad ku noqotay kooxda Anceloti uu hogaamiyo ee Bayern.

Pique ayaa sheegaya in goaankaasi uu yahay mid qaldan oo Real loogu hiilyay balse Ramos ayaa soo xasuusiyay ciyaartii ay Barca si lama filaan ah ay uga soo baxeen lugta labaad ee taratnka champions legaue kooxda PSG.

“Ma ahan wax cusub, aniga lama yaabayyo” ayuu yiri Ramos.

“waa uu ogsoonyahy wuuna xasuustaa ciyaartii PSG wuuna u jeedaa in garsoorayasha ay yihiin kuwa siman”

“Wana ku qadarinayaa qofka fikradiisa balse ma aqaan wax ay ka hadlayaan oo ay xadayaan”

“garsooraha wuxuu doono ayuu ku siin karaa qof kalane wuu siin karaa”

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *