Home » Horyaalada » Bundesliga » Dortmund Oo Castro Gacanta U Galisay Qandaraas Sadax Sano Ah.

Dortmund Oo Castro Gacanta U Galisay Qandaraas Sadax Sano Ah.

http://images.performgroup.com/di/library/omnisport/4b/d1/

Ciyaaryahano dhawr ah ayay ka saxiixatay kooxda Dortmund waxaa u danbeyay xidigaha kala ah Gonzalo Castro, Julian Weigl iyo Christian Pulisi dhamaan xidigahaan ayay ka saxiixatay kooxda reer Germany.

Borussia Dortmund ayaa qandaraas heshiis kordhin ah lagaartay xidigeeda khadka dhexe Gonzalo Castro, xidigaan ayaa heshiis sadax sano uu kula joogaayo kooxda loo gacan galiyay, ciyaaryahankan ayaa kooxda sii joogi doona illaa sanada 2020ka.

29 jirkaan Dortmund wuxuu uga soo biiray kooxda Bayer Leverkusen lacag dhan €11 million sanadii 2015ka, xidigaan ayaa kamid noqday xidigaha uu ku faano macalin Thomas Tuchel garoonka kooxda ee Signal Iduna Park.

Castro ayaa kasoo muuqday kooxdiisa 31 kulan dhamaan tartamada kooxdiisa ay ka qayb gashay, xidigaan iyo xidigaha kala ah Julian Weigl iyo Christian Pulisic ayaa kooxdaani qandaraas ku abaalmarisay.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *